MADAXA HAWLGALKA AUSSOM AYAA LA KULMAY MASULIYIINTA UNMAS.
(SAWIRKA)-MADAXDA AUSSOM.
(MUQDISHO)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM, Danjire EL Hadji Ibrahima Diene, ayaa maanta magaaladda Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Hay’adda la dagaallanka Qaraxyada ee Qaramada Midoobay (UNMAS) ee Soomaaliya, waxaane hoggaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, Fran O'Grady. Masuuliyiinta waxay ka wada hadleen sare u qaadista isku duwista iyo iskaashiga si khayraadka looga faa’iidaysto sida ugu habboon. Danjire Diene ayaa qiray doorka muhiimka ah ee UNMAS ey ku leedahay xoojinta awoodda la dagaallanka Walxaha Qarxa ee AUSSOM & Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, iyadoo u marayso tababar, La-talin & taageero qalab. Madaxa Barnaamijyada ee UNMAS Simon Porter & Sarkaal Sare oo qaabbilsan hawlgallada Borys Pokalyuk, iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare ayaa ka qeybgalay kulanka.
ISHA-AUSSOM.