DANLEYDA U KALA ADEEGTA TURKIGA IYO UAE MA GAARI KARAAN GO’AAN?
(SAWIRKA)-DANLEYDA SOMALIA.
(MUQDISHO)-Waxa aan la soconaa in fadhiyo isku xiga ey yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxmud iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu Hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Labadaan dhinac ayaa kulankoodii afaraad waxa ey yeesheen tobankii bishaan Agoosto kuna beegneed Axadii ina soo dhaaftay,kulanadaan isku xiga ee labada dhinac ayaan weli wax natiija ah laga heyn amaba war loo dhan yahay laga soo saarin. Hadaba kulankii ugu dambeeyey ee dhacay Axadii(10/8/2025)-ka ayey labada dhinac isku afgarteen iney soo kala magacaabaan gudiyo soo falanqeeyo wada hadaladda soona jilciya Qodobada la isku marai la’ayahay ilaa hadda, gudiyadaas ayaa waxaa ka mid ah: Dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka socday (1)-Reysal Wasaare Ku-Xigeenka 1-aad Md.Xil.Saalax Axmed Jaamac. (2)-Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka,Md.Xasan Macallin Maxmud. (3)-Wasiir Xirsi Jamaca Gaani kana socday Xafiiska RW-Xamse Cabdi Barre iyo Masuul hoose kana socday Madaxtooyadda JFS. Halka Dhinaca Mucaaradka ey ku metelaayeen: (1)-Gudomiyihi Hore ee Golaha Shacabka ee BJFS Md.Xil.Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan. (2)-Md.Xil.C/raxman C/shakur. (3)-Wasiir hore. Md.Daahir Maxamud Gelle. Wararka ey heshay Warbaahinta Suuqbacaad Media ayaa sheegaayo in gudiyadaan ey kulmeen tiro ka laba jeer tan iyo shalay oo Isniin ahayd ilaa maanta oo Talaada ah,mana jiro ilaa hadda wax go’aan ah ey isla gaareen kuna saabsan qodobadii la isku mari la’ayahay. Marka aad fiirisid sida wax u socdaan labada dhinac iyo kulanka berri loo ballansan yahay waxaa muuqata in labada dhinac shacabka ey u jilayaan Filim aan lahayn dhammaad balse ah Maaweelinta shacabka u Ooman Dawladnimo,Amni iyo Xasillooni waarta,waayo haddii Damiirkii iyo Dadnimadii labaduba dhinteen ma jiro wax la yiraahdo Xal waara oo la gaari karo. Danta gaarka ah iyo Danaha dawladaha shisheeye ey labada dhinac la kala safan yihiin waxa ey rajo beel gelineysaa da’ayarta rabta iney dalkood wax u qabtaan balse la’a jidkii ey u mari lahaayeen kaaso ey buux dhaafiyeen Danleey kala Dan ah iyo Dawlado shisheeye ey salka kula jiraan.Hadaba Su’aashu waxa ey tahay DANLEYDA U KALA ADEEGTA TURKIGA IYO UAE MA GAARI KARAAN GO’AAN?
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.