GANACSATADII KU HANTI BEELAY SUUQBACAAD OO LA KULMAY GUD.MUUNGAAB.

(SAWIRKA)-G/BANADIR OO LA SHIRAY…

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno Xarunta Dawladda Hoose ee xamar ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Guddi ka socday Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii 5-tii bishan ka kacay qeyb ka mid ah Suuqa Labaad ee Muqdisho ee Suuq-Bacaad. Kulanka uu Guddoomiyuhu la yeeshay Wakiillada Ganacsatada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir Cabdicasiis Cismaan Maxamed iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed Maxamuud Cabdikariin Gabeyre. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Qiimeynta khasaaraha ka dhashay dabkaasi iyo Qorshaha Gurmadka loo fidinayo dadkii hantidooda ku waayay. Guddiga Ganacsatada ee Suuq-Bacaad ayaa warbixintooda ku sheegay in dabka uu baabi'iyay 265 Goobood oo Ganacsi, islamarkaana khasaaraha hantiyadeed uu Gaarayo ilaa $3,400,000 (Saddex Milyan iyo Afar Boqol Kun oo Doollar), iyadoo sidoo kale uu uu saameeyay ilaa 1,500 Qoys oo Soomaaliyeed. Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa ballan qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar iney si' buuxda u taageeri doonto Ganacsatada musiibadu gaartay, islamarkaana dhawaan la magacaabi doono Guddi wadajir ah, oo ka kooban labada dhinac, si loo dardar-geliyo Gurmadka iyo Kabashada. Dr. Muungaab ayaa mar kale uga tacsiyeeyay Ganacsatada khasaaraha soo gaaray. Ganacsatada ayaa uga mahadceliyay Duqa Muqdisho Taageerada, Garab-istaagga iyo Go’aanka lagu xaqiijinayo in Suuqa Labaad ee Suuq-Bacaad uu sii ahaado Aag Ganacsi, balse lagu sameeyo dib-u-habeyn, loona furo waddooyin, si loo yareeyo ama loo xadido haddii berri-ka-maalin ey dhacdo musiibo la mid ah midda dhawaan dhacday. Wararka qaarkood ayaa sheegaayo in dhulka ka gubtay Ganacsatada Suuqbacaad lagu wareejiyey Ganacsade C/rashiid Cali Adoon oo ey aad isugu dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. Ganacsade C/rashiid Cali Adoon ayaa la damacsan yahay in lagu siiyo Qandaraas uu ku dhisaayo dhismo caalami ah kaaso dib looga ijaaraayo Ganacsatadii uu shalay ka gubtay,lama oga sida ey noqon doonto xaaladda Ganacsatada khasaartay ee reer Suuqbacaad. LA SOCO.

ISHA-BANADIR TV.


Next
Next

DANLEYDA U KALA ADEEGTA TURKIGA IYO UAE MA GAARI KARAAN GO’AAN?