HORJOOGE WADAAD-YARE OO XALAY KU DHINTAY DUQEYNTII TARDO.
(SAWIRKA)-DIYAARADIHI DUQEYEY ALSHABAAB.
(HIIRAAN)-Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ee Bartmaha Soomaaliya ayaa sheegaayo in Diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn(Drones) ee saaxiibada caalamka ayaa duqeyn culus waxa ey ka fuliyeen deegaank Tardo oo hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo sida la sheegay uu shir uga socday Horjoogayaal sar-sare oo ALshabaabka. Hauadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya ee NISA ayaa la sheegay iney heshay xogta shir ey isugu imaanayaan saraakiil sar-sare oo Alshabaab ka tirsan,shirka ayaa waxa uu ka dhacaayey Deegaanka Tardo sidaasna ey NISA ugu gudbisay Saaxiibada Caalamka,waana tan keentay duqeynta. Warar ku dhaw halka duqeymaha ku dhaceen ayaa sheegaya in khsaare uu ka dhashay duqeymahaan iyadoo durba ey soo baxayaan in saraakiisha Alshabaab ee la duqeeyay uu ku jiro sarkaal ALshabaab ka tirsan caana ka ah Gobolka Hiiraan. Sarkaalka caanka ah ee ALshaaab ee la sheegay inuu ku jirey kuwa lagu dilay duqeeynta ayaa magaciisa lagu sheegay Wadaad-Yarre Inkastoo aan faah-faahin laga heyn khasaaraha rasmiga ah ee dhimashada ama dhaawaca ah ee soo gaaray kooxda ALshabaab. Deegaanka Tardo waxay ku jirtaa Degmooyinkii iyo deegaanadii maalmo ka hor ALshabaab ka qabsadeen Gobolka Hiiraan iyadoo la ogyahay in dadka deegaanka ey aad u dagaalameen,waxaane weli socodo diyaargaraw adag oo la doonaayo in kooxda gebi ahaanba laga saaro dhulka ey ka soo galeen DG H/shabeelle.
ISHA-SB-MEDIA.