MUCAARADKA DFS OO KALA JABAY IYO KALA TAG BANAANKA YIMID.
(SAWIRKA)-MUCAARADKA IYO MW-XASAN SHEEKH.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wareegii shanaad ee kulanadda u dhexeeyo Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Mucaaradka ee la magac baxday SAMATABIXINTA SOOMAALIYA uu maanta ku soo dhammaaday Guul darro iyo Fashal. Kulanka shanaad uguna dambeeyey ayaa qabsoomay maanta oo ah Arbaco ah kuna beegan 13/8/25-ka,kulankaan ayaa waxaa ka horeeyey fadhiyo ey isla yeesheen Gudiyo ka kala socday labada dhinaca kana koobnaay ilaa seddex qofood garabkiiba,waxa eyna isku afgaran waayeen iney hal meel isku raacaan si dalku u aado Doorasho la isla ogol yahay. Waa maxay waxa la isku haayo? Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr. Xasan Sheekh Maxamud ayaa ku dhegan in wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyey inuu sidiisa ahaado haddii wax laga bedelaayana ey noqoto mid yar aan saameyneyn Doorashada soo socoto. Dastuurka ayaa waxa isbedel lagu sameeyey Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad,waxaane ugu culus Madaxweyne Xasane uu ku dhegan yahay Cutubka 4-aad Madaxa 2-aad, Qodobka 47-aad oo ka hadlaayo Doorashooyinka iyo Xisbiyadda,halka kooxda Mucaaradka ey dalbanayaan in Gebi ahaan aan la meel marin afarta Cutub ee Dastuurka kuwaaso wax ka bedelka lagua sameeyey,si kastaba ha ahaatee Mucaaradka ayaa hadda u muuqdo mid aan isku raacsaneyn sida loo wajahaayo Qorshaha DFS waayo qaar iyaga ka mid ah ayaa qaba in DFS lagala heshiiyo wixii suurtagal ah waqtigaan la joogo lana wada shaqeeyo,balse koox Mucaaradka ah ayaa qabta in DFS ey tahay mid sad bursi dooneysa waajibne ey tahay in hadda laga hoortago ka hor inta aan la gaarin Doorshada. Xildhibaan Caana-Nuug,oo ah Xildhibaan laga soo doortay DG Jubaland kana tirsan Xubnaha Xisbiga Himilo ee uu Hogaamiyo Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed isla markaasne si aad ah u mucaaradda DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh,ayaa caawa la hadlay Idaacadda iyo TV-ga Shabeelle ee Magaaladda Muqdisho,waxa uuna Xildhibaanku sheegay in Xubno ka mid ah Mucaaradda ey fashiliyeen Shirkii caawa ee Mucaaradka, kuwaaso loo ballan qaaday Reysal Wasaare iyo Safiiro,sida uu hadalka u dhigay. “Saaxibadda Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay iney hoos isku fiiriyaan waana lama huraan in xilligaan Xasaasiga ah aan la isku dhex huursanaan”.ayuu yiri Xildgibaan Caana-nuug. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay,Madaxda waqtigoodu sii dhammaanayo waxa hadda haysta cadaadis Siyaasadeed oo culus gudaha iyo dibaddaba,sidaas daraadeed looma baahna in raga qaarkiis ey aqbalaan amaba ey rajeeyaan Cad-Quureed sida ballan qaad Siyaasadeed,oo waqtigaan lagu moodaayo, dhaqaale yar,Safiirnimo,ama maamul heer Gobol iyo wixii la mid ah. Waxa uuna Caana-nuug saaxibadiis kula dardaarmay ineysan dhiiqo lugaha la gelin kuna dadaalaan iney xaqiijiyaan hadafka dawladnimada Soomaaliyeed. Mucaaradka ayaan Caawa ku guuleysan iney isku raacaan soo saaridda War-Saxaafadeed balse waxaa la sheegayaa in berri oo khamiis ah la filaayo in qaar iyaga ka mid ah ey si gooni ah ey u soo saari doonaa War-saxaafadeed amaba ey Hotl-ka AL-Jazeer ee magaaladda Muqdisho ku qaban doonaan shir Jaraa’id. LA SOCO SHEEKADA.
ISAH-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.