MARAYKANKA MA AQOONSAN DOONAA SOOMALILAND?
(SAWIR)-C/RAXMAAN CIRRO.
(HARGEISA)-Maraykanku waxa uu u socdaa in uu saldhig milatari ka samaysto magaalada Berbera ee Somaliland, ujeedaduna tahay in lala socdo dhaqdhaqaaqyada fallaagada ey taageerto Iran ee Xuutiyiinta iyo ilaalinta isu socodka ee Badda Cas. Marka loo eego qiimayno dhawr ah, Maraykanku waxa uu sidoo kale doonayaa in uu muruqiisa millatari ka dhigo oo uu saldhig istiraatijiyadeed ka helo Badda Cas iyo Bariga Afrika, marka la eego faa'iidooyinka Juqraafiga ah ee muddada dheer ey keeni karto tallaabadan. Danta Maraykanka ayaa kor u qaaday welwelka Soomaaliya, laakiin maadaama maamulka Trump uu aaminsan yahay iney tahay tallaabo lagama maarmaan ah, waxay ku kalsoon tahay iney xaqiijin karto in Soomaaliya ey heshiis ka gaarto si kastaba ha ahaatee. Saldhigga Somaliland ma noqon doono mid wax u dhimaya dadaalka lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya ama ka qaybgalka hawlgallada ka dhanka ah kooxda xagjirka ah ee AL-Shabaab. Maamulka Maraykanku wuxuu kaloo ka fogaan doonaa colaadaha Geeska Afrika ee ku saabsan gelitaanka Badda Cas, haddii ey ahaan lahaayeen Itoobiya iyo Ereteriya ama Soomaaliya. Saldhigga Berbera waxa uu muhiim u yahay Maraykanka, gaar ahaan marka la eego dedaallada ey Xuutiyiintu ku doonayaan iney ku carqaladeeyaan isu socodka badda ee Badda Cas iyo kor u kaca weerarrada Yemen ee Maraakiibta Ganacsiga. Saldhigan ayaa u sahli doona Washington iney xakamayso khatarta Xuutiyiinta ee shixnadaha shidaalka iyo Ganacsiga caalamiga ah ee mid ka mid ah marin biyoodyada ugu muhiimsan caalamka. Washington waxa kale oo ey doonaysaa iney xakamayso isballaarinta ciidamada Shiinaha ee Bariga Afrika, gaar ahaan iyada oo uu sii socdo xiriirka Muqdisho iyo Beijing. Labada caasimadood ayaa sare u qaaday iskaashiga dhanka amniga ah, waxaana dabayaaqadii 2024 ey sare u qaadeen xiriirkooda iskaashi istiraatiiji ah. Wararka reer galbeedka ayaa sheegaya in Soomaaliya ey kala hadashay heshiisyo iskaashi oo dhowr ah oo ey la gashay Shiinaha intii uu socday kulankii Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya uu la qaatay Safiirka Shiinaha ee soomaaliya taariikhdu markeey ahayd 28-kii May. Talaabooyinkan ayaa sii huriyay loolan istaraatiiji ah oo u dhexeeya Maraykanka iyo cadawgiisa, gaar ahaan Shiinaha. Sidaas darteed, Somaliland waxay u soo baxday goob cusub oo loollanka caalamiga ah, taasoo keentay in Washington ey sare u qaaddo xiisaha ey u qabto degaankaas. Saldhigga Berbera waxa uu u sahli doonaa Washington iney kor u qaaddo joogitaanka ciidankeeda ee Afrika, iyada oo si gaar ah xoogga loo saarayo kordhinta awoodda ciidamadeeda badda. Saldhigga la qorsheeyay wuxuu, intaa dheer, xoojin doonaa joogitaanka Mareykanka ee Badweynta Hindiya iyo xakameynta marin biyoodka Bab AL-Mandab, oo ah marin ganacsi oo muhiim ah oo caalami ah oo muhiimad gaar ah u leh danaha Mareykanka. Somaliland waxay ku taallaa marin muhiim ah oo ganacsiga badda ah oo isku xira Yurub iyo Aasiya, oo leh xeebo ku yaal Badda Cas, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed. Juquraafigeeda dhaqaale ayaa door weyn ka ciyaara qaabeynta danaha istaraatiijiyadeed ee Mareykanka. Meesha ey ku taallo waxay ku siinaysaa marinka Bab AL-Mandab, kaasoo boqolkiiba 12 ganacsiga adduunku marayo. In ka badan 4.8 milyan oo fuusto oo saliid ceyriin ah iyo badeecado saliid la safeeyey ayaa maalin walba u gudba ciriiriga, oo ey la socdaan alaabo kale oo muhiim ah. Somaliland waxa kale oo ey u adeegtaa sidii albaab laga soo galo suuqyada Afrika ee soo koraya. Waxa dalka Maraykanka ku soo badanaya is-afgarad ku saabsan in Somaliland ey aad muhiim ugu tahay danaheeda, gaar ahaan taageerayaasha Donald Trump ee Xisbiga Jamhuuriga, kuwaasoo u ololeynaya Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland. Dhaqdhaqaaqan waxa uu ku qotomaa dokumentiga Mashruuca 2025, oo ey diyaariyeen 140 Xubnood oo Jamhuuriya ah, kaasoo Somaliland u Aqoonsanaya mudnaanta istaraatiijiyadeed, kuna doodaya in Aqoonsiga Madax-banaanideeda ey lama huraan u tahay ilaalinta danaha Maraykanka. Dukumeentigu waxa uu ku talinayaa in Washington ey u aragto Somaliland marti-gelin macquul ah oo joogitaanka Maraykanka ee gobolka si kor loogu qaado awooddeeda ciidan iyo sirdoon si ey uga hortagto Shiinaha, Iran iyo Xuutiyiinta. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu marti-geliyo Saldhigga Millateri ee Maraykanka, si ey Xukuumadda Washington u Aqoonsato dalkeeda. Cabdullaahi waxa kale oo uu muujiyay inuu diyaar u yahay inuu Maraykanku u soo bandhigo khayraadka macdanta - gaar ahaan qalabka istaraatiijiga ah sida lithium-ka taasoo qayb ka ah dadaalka Somaliland ugu jirto aqoonsi caalami ah. Kor u qaadista iskaashiga dhinaca Amniga ee Maraykanka iyo Somaliland waxa ey saamayn taban ku yeelan doontaa xiriirka Maraykanka iyo Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, ugu dambayntii waxa ey Washington ku riixaysaa iney hoos u dhigto xiriirka ey la leedahay Muqdisho. Sidoo kale, Saldhigga la qorsheynayo inuu qalqal galiyo ammaanka Somalia, ayaa kooxaha hubeysan, gaar ahaan AL-shabaab siin doona fursad ey ku meel-mariyaan qorshahooda, isla markaana ey kordhiyaan cadaadiska ey ku hayaan dowladda Somalia. Talaabada Mareykanka ayaa laga yaabaa iney soo dedejiso in Soomaaliya ey xoojiso xiriirka ey la leedahay Shiinaha, gaar ahaan iyadoo Beijing ey dhawaan muujisay xiisaha sii kordhaya ee ey ku taageereyso dadaallada Soomaaliya ey kaga hortagayso cadawga gobolka. Taasi waxa ey caddayn u ahayd diidmadii Beijing ee is-afgaradkii Addis Ababa iyo Somaliland ku kala saxeexdeen January 2024, kaasoo dhidibbada u taagay dhismaha saldhigga milatari iyo horumarinta dekedda Badda Cas. Shiinuhu waxa uu Somaliland u arkaa qayb ka mid ah Soomaaliya, waxaanu taageersan yahay dedaalka dawladda Soomaaliya ee ilaalinta Midnimada Qaranka, Madaxbannaanida iyo Midnimada dhuleed.
ISHA-AL-AHRAM WEEKLY.