WASAARADDA AWQAAFTA IYO ARRIMAHA ISLAMKA OO KA HADASHAY XAJKA-2027-KA.

(MUUQAALKA)_WASIIR KUKHTAAR.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacisay jadwalka iyo shuruudaha lagu maamulayo howlaha Xajka ee sanadka 1448H/2027, iyadoo ugu baaqday shirkadaha iyo xujeyda Soomaaliyeed inay u hoggaansamaan nidaamka cusub. Wasaaraddu waxay sheegtay in qorshahan lagu diyaariyay kadib markii dowladda Sacuudiga ay dejisay jadwalka rasmiga ah ee howlaha Xajka, si loo dardargeliyo diyaarinta adeegyada loo fidinayo xujeyda Soomaaliyeed. Sida ku cad war-saxaafadeedka, dhammaan muwaadiniinta doonaya inay gutaan waajibaadka Xajka waxaa lagu amray inay si degdeg ah isu diiwaangeliyaan, isla markaana baasaboorkooda iyo lacag hormaris ah oo dhan 2,000 oo doollar ku wareejiyaan shirkadaha adeegga Xajka ee ay Wasaaraddu ruqsadda siisay. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale faraya shirkadaha adeegga Xajka inay siiyaan xujeyda adeegyo tayo leh oo ay ku jiraan gaadiid, hoy, cunto iyo daryeel caafimaad, isla markaana ay la galaan heshiisyo shaqo oo caddeynaya xuquuqda iyo waajibaadka labada dhinac. Dhanka kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in bixinta adeegyada Xajka lagu maamuli doono nidaam elektaroonig ah (System), iyadoo shirkadaha laga doonayo inay xogta xujeyda ku diiwaangeliyaan nidaamkaas.Ugu dambeyn, Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ayaa uga digtay shacabka inay la macaamilaan shaqsiyaad ama shirkado aan haysan ruqsad rasmi ah, waxayna xustay in qiimaha rasmiga ah ee adeegyada Xajka la shaacin doono marka la soo gabagabeeyo daraasadda qiimeynta adeegyada Xajka ee 1448H/2027.

XIGASHO-HOL.


Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA LOOGA HADLAAYO BADAHA SOOMAALIYA.

Next
Next

XILDHIBAN KA TIRSAN AQALKA WAKIILADDA MARAYKANKA OO MOOSHIN….