XILDHIBAN KA TIRSAN AQALKA WAKIILADDA MARAYKANKA OO MOOSHIN….
(MUUQAALKA)-ANDY.
(WASHINGTON/USA)-Xildhibaan Andy Ogles oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka kana tirsan xisbiga Republican-ka ee Gobolka Tennessee ayaa gudbiyay mooshin lagu dalbanayo xil ka qaadista Garsoore Allison Burroughs, kadib markii ay mar kale hakisay qorshihii maamulka Madaxweyne Donald Trump ee lagu soo afjarayay Barnaamijka Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ee muwaadiniinta Soomaaliyeed. Garsooraha ayaa soo saartay amar sii haynaya TPS-ka iyo rukhsadaha shaqada ee ku dhowaad 1,100 qof oo Soomaali ah, inta ay maxkamaddu ka go'aamineyso dacwad ay gudbiyeen dadka ka faa'iideysta barnaamijka. Ogles ayaa ku eedeeyay garsooraha inay ka tallaabsatay awooddeeda sharci, isla markaana ay iska indha-tirtay go'aan hore oo ay gaartay Maxkamadda Sare ee Mareykanka, isagoo ku tilmaamay tallaabadeeda "faragelin garsoor". Dacwadda cusub ee Soomaalida ayaa ku saleysan dood ah in go'aanka maamulka Trump uu ku saleysan yahay takoor ku saleysan jinsiyadda iyo asal ahaan waddanka, arrin Garsoore Burroughs ay u aragtay in ay mudan tahay in maxkamaddu sii baarto ka hor inta aan TPS-ka la joojin. Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka (DHS) ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqday in Soomaaliya aysan mar dambe buuxin shuruudihii lagu sii hayn lahaa TPS, iyadoo qorshuhu ahaa in barnaamijku dhammaado 17-kii Maarso. TPS waa barnaamij bini'aadantinimo oo siiya magangelin ku-meelgaar ah iyo oggolaanshaha shaqada dadka ka yimid dalal ay ka jiraan dagaallo ama masiibooyin dabiici ah. Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalka ku jiray barnaamijkan tan iyo 1991-kii. Mooshinka Ogles ayaa la filayaa inuu wajaho dood sharci iyo siyaasadeed, maadaama taariikh ahaan garsoorayaasha federaalka aan xilka looga qaadin oo keliya go'aannada ay gaaraan, balse loo baahan yahay caddeyn muujinaysa inay ku kaceen xadgudub culus ama falal ka baxsan waajibaadkooda.
XIGASHO-HOL.