MW-XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA LOOGA HADLAAYO BADAHA SOOMAALIYA.

(MUUQAALKA)_MW XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirweynihii Koowaad ee Badaha Soomaaliyeed, kaas oo la qorsheeyay inuu noqdo shir sanadle ah oo lagu gorfeeyo horumarinta iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda Soomaaliya. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah mustaqbalka dhaqaalaha buluugga ah ee dalka, sida ilaalinta iyo bedqabka badda, horumarinta gaadiidka iyo isu-socodka badda, kobcinta kalluumeysiga, iyo sidii si waara looga faa’iideysan lahaa khayraadka hodanka ah ee ku jira xeebaha Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisii furitaanka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay si buuxda uga faa’iideystaan khayraadka dabiiciga ah ee dalkooda, gaar ahaan badda oo uu ku tilmaamay tiir muhiim u ah horumarka dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu mudnaan gaar ah siin doonto horumarinta arrimaha badda, isla markaana la xoojin doono qorshayaasha lagu ilaalinayo khayraadka badda iyo kobcinta wax-soo-saarka kalluumeysiga. Dhankiisa, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in Turkigu sii xoojin doono taageerada uu siiyo Soomaaliya ee la xiriirta horumarinta kalluumeysiga. Wuxuu xusay in dowladda Turkiga ay dhawaan dalka keeni doonto doomo iyo qalab casri ah oo loogu talagalay in lagu horumariyo kalluumeysiga, lana kordhiyo wax-soo-saarka iyo awoodda kalluumeysatada Soomaaliyeed. Shirweynaha Koowaad ee Badaha Soomaaliyeed ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo istaraatiijiyad qaran oo lagu horumarinayo dhaqaalaha buluugga ah, iyadoo la xoojinayo iskaashiga dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo saaxiibbada Soomaaliya si looga faa’iideysto khayraadka badda si waara, loona abuuro horumar dhaqaale oo shacabka Soomaaliyeed u horseeda nolol wanaagsan.

XIGASHO-GJ.

Next
Next

WASAARADDA AWQAAFTA IYO ARRIMAHA ISLAMKA OO KA HADASHAY XAJKA-2027-KA.