WARSHEEKH OO UU KA DHACAY DIL AAD U FOOL XUN.

(SAWIRKA)-GUDOOMIYAHA IYO TALIYAHA BOOLISKA DEG.WARSHEEKH.

(WARSHEEKH)-Wararka ka imaanaya degmada Warshiikh ee Gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ey halkaasi ku dileen Culimaa’udiin ku sugnaa deegaankaasi oo ey ku sheegeen in ey u soo jeedinayeen Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah. Weerarkan naxdinta leh ayaa waxa uu walaac ku abuuray dadka deegaanka oo ku aadan rabshadaha sii kordhaya ee Gobolka. Ugu yaraan afar ka mid ah Culimada ayaa la sheegay in la dilay halka afar kale oo dheeraad ah oo uu ku jiro ilmo yar ey soo gaareen dhaawacyo kuwaas oo loo gudbiyay isbitaalada magaalada Muqdisho, sida ey sheegayaan warar si hoose loo helayo. Goob joogayaal ku sugan deegaanka ayaa soo sheegaya in Culimada si gaar ah loo bartilmaameedsaday arrimo ku saleysan Aanooyin Qabiil, iyagoo soo bandhigay arrimaha la xiriira colaadaha Qabaa’ilka ee ka taagan Gobolka. Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Xaloole, oo hoostaga degmada Warshiikh. Dadka deegaanka ayaa baqdin iyo walaac ka muujiyay dhacdadan, iyadoo ey sii kordhayaan falalka caynkan oo kale ah ee lagu bartilmaameedsanayo Culimada. Maamulka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa iney ku jiraan feejignaan dheeri ah, waxaana ey wadaan baaritaano lagu baadigoobayo kooxihii falkaasi geystay. Dhacdadan oo kale ma ahan tii ugu horeysay ee ka dhacda deegaanka Xaloole. Dabayaaqadii sanadkii 2022-ka ayaa sidan oo kale weerar loo adeegsaday hub,kaasi oo lala beegsaday shaqsiyaad ey isku beel ka soo jeedaan, taasi oo sii xoojisay xiisadaha Qabaa’ilka ee ka taagan Gobolka Shabeellaha Dhexe sanadihii ugu dambeeyay. Xadgudubyada ka dhanka ah Culimada oo sii kordhaya ayaa keenaya walaac laga qabo badqabka Culimada iyo guud ahaan bulshada. Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku baaqaya in la kordhiyo tallaabooyinka Ammaanka si looga gaashaanto weeraro kale, isla markaana wax looga qabto arrimaha salka ku haya colaadaha ku saleysan Aanooyinka Qabiil ee ka taagan degaanada Gobolka Sh/dhexe.

ISHA-MM.

Previous
Previous

NISA OO QABATAY ASKERI U BASAASAYEY KOOXDA ALSHABAAB.

Next
Next

ISRA’IIL OO WEERARKEEDII XALAY KU DISHAY SAYNISYAHANO IYO…