ISRA’IIL OO WEERARKEEDII XALAY KU DISHAY SAYNISYAHANO IYO…

(SAWIRKA)-SARAAKIIL CIIDAN IYO SAYNISYAHANO LAGA DILAY IRAAN.

(TEHRAN)-Warbaahinta Iran iyo Isra’iil ayaa soo wariyay dhimashada dhowr Hoggaamiyeyaal Millatari iyo Saynisyahano ah weerar ey Israa'iil ku qaadday goobo badan oo Iran ah subaxnimadii Juun-13-, 2025. Hoggaamiyaha sare ee Iran Khamenei ayaa xaqiijiyay in "Ku-beddeli lahaa iyo Asxaabtooda ey isla markiiba dib u bilaabi doonaan shaqadooda." Shabakadda Axios ee Maraykanka laga leeyahay oo soo xiganaysa mas’uul Israa’iili ah ayaa sheegtay in duqeymaha ey Israa’iil ku hayso Iiraan ey ku bar-tilmaameedsatay tiro ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Sare ee Ciidamada Iran iyo Saynisyahanno Sar Sare oo dhinaca Nukliyeerka ah. Iran ayaa ku dhawaaqday dhimashada dhowr Taliyeyaal Sare iyo lix Saynisyahano oo Cilmiga Nukliyeerka ah oo ku dhintay duqeyn ey Israa'iil geysatay Jimcihii, taas oo lala beegsaday Xarumaha Nukliyeerka Iran, Warshadaha gentaalaha ballistic-ga, iyo Hoggaamiyeyaasha Militariga si looga hortago Tehran iney sameysato hub Nukliyeer ah. Labo ka mid ah ilo-wareedyo gobolka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ugu yaraan 20 sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Iran, oo ey ku jiraan Taliyaha Ilaalada Kacaanka iyo Taliyaha Ciidamada Cirka, lagu dilay duqaymo ey Israa’iil ku qaadday Iran Jimcihii. Hoos ka akhriso liiska magacyada Madaxda iyo Aqoonyahanada la dilay:

* XUSEEN SALAAMI:

Salami, waxa uu dhashay 1960-kii, waxa uu ahaa taliyaha Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, oo uu magacaabay Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei 2019.

* MAXAMED BAAKHIRI:

Bakheri waxa uu ahaa taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), waxa uu soo noqday Madaxa Shaqaalaha ee Ciidamada Iran tan iyo 2016. Waxa uu dhashay 1960, waxa uu ku biiray IRGC intii lagu jiray dagaalkii Iran iyo Ciraaq ee 1980-meeyadii.

* AMIIR CALI XAAJIZADAH:

Hajizadeh wuxuu ahaa taliyihii ciidamada cirka ee IRGC. Israa'iil waxay u aqoonsatay inuu yahay qofka ugu muhiimsan ee mas'uulka ka ah hagidda duqeymaha ka dhanka ah. Sannadkii 2020-kii, Hajizadeh ayaa mas’uul ka ahaa soo rididii diyaarad rakaab ah oo laga lahaa dalka Ukraine, taasoo dhacday wax yar ka dib markii Iran ey gantaallo ku garaacday bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq, taasoo ey uga aargudeysay weerar ey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ey ku dileen Qasem Soleimani, oo ahaa taliyihii hore ee IRGC.

*GULAAM CALI RASHIID:

Rashid waxa uu ahaa madaxa Xarunta Dhexe ee IRGC ee Khatam AL-Anbiya. Waxa uu hore u soo noqday ku Xigeenka madaxa ciidamada qalabka sida ee Iran, waxa uu u dagaalamay Iran dagaalkii 1980-aadkii lala galay Ciraaq.

* FEREYDUUN CABAASI DAWAAY:

Abbasi Davaee, oo ah Saynisyahan Nukliyeer ah, waxa uu madax ka ahaa Ururka Tamarta Atoomikada ee Iran intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2013. Waa muxaafid mayal adag, waxaanu xildhibaan ka soo noqday 2020 ilaa 2024.

* MAXAMED MAHDI TEHRAANJI:

Tehranji waxa uu ahaa Saynisyahan Nukliyeer ah iyo gudoomiyaha jaamacadda Islamic Azad ee Tehran. Afarta Saynisyahan ee kale ee lagu dilay weerarradii Jimcihii ayaa kala ahaa Abdolhamid Manouchehr, Ahmadreza Zolfaghari, Amir Hossein Faghihi, iyo Motallebzadeh. Dhinaca kale, warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay inuu dhintay Cali Shamkhani, oo ahaa la taliyaha Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, taasoo ka dhalatay dhaawac ka soo gaaray weerarka Israa’iil ee isagana lala beegsaday subaxnimadii hore ee Jimcihii.

DILKA TALIYE RABBAANI:

Warbaahinta Masregh oo ah shabakad ku dhow Hay'adaha Ammaanka Iran, ayaa soo tebisay dilka Taliye Rabbani, oo ahaa Kaaliyaha hawlgallada ee guud ee ciidamada qalabka sida, oo ey weheliyaan Xaaskiisa iyo Carruurtiisa. Shabakaddan ayaa sidoo kale daaha ka qaaday in Taliyihii Ilaalada Kacaanka Davoud Sheikhian, oo ahaa taliyihii ciidamada difaaca cirka ee IRGC, lagu dilay weerarro ey Israa’iil qaadday subaxnimadii Jimcaha.

BEEGSIGA XARUNTA Nadhanzi:

Barqanimadii maanta oo Jimce ah, Israa’iil ayaa weerarro cirka ah oo ballaaran ku qaaday Iran, iyadoo bartilmaameedsatay Xarumaha Nukliyeerka iyo goobaha militariga, oo ey ku jiraan Xarunta Nadhanzi iyo Xarunta Ilaalada Kacaanka ee Tehran iyo Isfahan. Milateriga Israa’iil ayaa markii dambe sheegay iney dileen taliyihii ciidamada cirka ee ilaalada kacaanka Iran, oo ey weheliyaan taliyayaal sare oo ciidamada cirka ah.

WUXUU SAMEEYEY 15 BAMBOOYIN NUKLIYEER AH:

Sarkaal ka tirsan militariga Israa’iil ayaa sheegay in Israa’iil Ey duqeysay “tobaneeyo” bartilmaameedyo Nukliyeer ah iyo kuwo militari. Waxa uu intaas ku daray in Iraan ey haysato walxo ku filan oo ey ku soo saarto 15 bam oo Nukliyeer ah maalmo gudahood. Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil ayaa sheegay in 200 oo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iney ka qeybqaateen duqeymaha ka dhanka ah Iraan,isagoo xusay in Tel Aviv ey aqoonsatay 100-bartilmaameed lana duqeeyey.

ISHA-AA.

Previous
Previous

WARSHEEKH OO UU KA DHACAY DIL AAD U FOOL XUN.

Next
Next

MADAX KALA MAAN KALANA SOCOTO,WAA MAXAY SABABTU?