NISA OO QABATAY ASKERI U BASAASAYEY KOOXDA ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-YUUSUF.
(HIIRAAN)-Dilkii Nabadoon Cilmi Hagar ee dhacay 29/9/2022-kii,waxaa ka shashay welina taagan dagaalka u dhexeeyo kooxda Khawaarijta Alshabaab iyo Beesha uu ka soo jeedo Nabadoon Cilmi Hagar ee Xawaadle, beesha Xawaadle waxa ey degtaa Gobolka Hiiraan degmooyinkiisa intooda badan waxa eyna deris la tahay degaano ka tirsan Goboladda Galgaduud iyo Shabeeladda Dhexe kana kala tirsan maamuladda Galmudug iyo H/shabeelle,hadaba maxaa soo kordhay tahayne inaan sheegno?. Kooxda Khawaarijta ALshabaab waxa ey ku guuleysatay iney kala furfurto saaxibana ku yeelato Beelaha Abgaal ee dega G/shabeeladda Dhexe,waxaane sidaas ugu suurtagashay kooxda Alshabaab iney si sahlan dib u qabsadaan dhul laga xureeyey laba ano ka hor dadkiisuna nabad ku noolaa. In kooxda Alshabaab dib ugu soo laabato Gobolka shabeeladda Dhexe qeybo ka mid ah waxa ey culeys fara badan ku keentay Beesha Xawaadle ee dagaalka adag kula jirta Alshabab waxaane Xawaadle qasab ku noqotay inuu fidiyo dagaalkiisa gaarsiiyane gudah G/shabeeladda dhexe si Alshabaab uusan uga soo duulin halkaasi,midaasne Xawaadle waa uu ku guuleystay oo Ashabaab waxa uu hadda ku go’odoonsan yahay degaan ka tirsan G/shabeeladda dhexe,si hadaba kooxda Alshabaab uga adkaato beesha Xawaadle Macaawiisleydeeda, Alshabaab waxa uu bilaabay inuu raadiyo qaabkii uu uga takhalusi lahaay Macaawiisleyda beesha Xawaadle ee dhaawca ah laguna dabiibaayo Magaaladda Muqdisho. Nin ka tirsan Sirdoonka Qaranka (NISA) kana dhex kalluumeysta kooxda Alshabaab ayaa soo helay xog sheegeysa in ka tirsan hayadda NISA lana yiraahdo Yuusuf loo xil saaray sahminta Isbitaaladda Muqdisho ku yaalo ey ku jiraan Macaawiisleyda Beesha Xawaadle. Ninkaan Sirdoonka NISA ah waxa uu ka tirsanaay kooxda Alshabaab welina iyaga ayuu la joogaa,waxa uuna DFS u qaabilsnaay inuu soo gudbiyo xogta kooxda Alshabaab. Sirdoonkii Nisa ka tirsanaay kuna dhex jiray kooxda Alshabaab ayaa helay xogta Yuusuf waane uu la sheekeystay waxa uuna ka duubay wixii dhexmaray iyagoo wada ah Alshabaab. Sirdoonkii ku sugnaay gudaha Alshabaab ee Nisa la shaqeynaayey ayaa xogtii Yuusuf waxa uu la soo wadaagay madaxda Nisa waxa eyna taasi keentay in Yuusuf shalay oo khamiis ahayd xabsiga loo taxaabo. Waxa la yaabka leh ayaa ah in Yuusuf uu u dhashay Beesha Xawaadle waxaane loo soo diray inuu dadkiisa soo basaaso isagane waa uu aqbalay,maxay tahay ciqaabtiisu?
ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.