WARAR GOOS-GOOS AH KUNA SABSAN DAGAALKA IRAAN Vs IRA’IIL.

(SAWIRKA)-DIYAARADDA TURKIGA.

(ISTAMBUL)-Ka dib weerarkii Iran ey ku qaaday saldhiga Ciidamada Cirka ee Mareykanka ee AL-Cudeyd ee gudaha Dawladda Qadar, Shirkadda Diyaaradaha Turkiga ee Turkish Airlines ayaa ku dhawaaqday iney joojisay duulimaadyadii ey ku tagi jirtay Magaalooyinka iyo Caasimadaha Wadamada Khaliijka Carabta maanta oo Isniin ah Taariikhduna ey tahay 23-ka Juun-2025-ka.Dhinaca kale Dawladda Kuwayt waxay ku dhawaaqday xiritaanka ku meel gaar ah ee hawadeeda "Si taxaddar leh si loo ilaaliyo heerarka ugu sareeya ee badbaadada iyo amniga marka la eego horumarka gobolka." Dalka Masar ayaa go'aansaday inuu joojiyo duulimaadyadii ka imanayey Garoonka diyaaradaha Qaahira ee aadi jirey Magaalooyinka Wadamadda Gacanka Carabta iyo cagsigeeda "ilaa xaalada gobolku ey degayso”. Qadar ayaa fiidnimadii Isniinta ku dhawaaqday in hal gantaal oo Iran ey leedahay oo 18 ka mid ah uu ku dhacay saldhigga Mareykanka, halka kuwa kalena lagu soo riday badda. Tani waxay ku soo beegantay shir jaraa’id oo uu Dooxa ku qabtay ku Xigeenka Madaxa shaqaalaha ee Qadar Sheekh AL-Xajri, kaasoo uu u kuurgalayay wariye ka tirsan wakaaladda Anadolu. AL-Xajri waxa uu sheegay in Iran ey laba dufcadood oo gantaal ah ku garaacday saldhigga AL-Cudeyd, 7-dufcaddood ee ugu horeysay, waxaana lagu soo riday badda ka hor inta aysan gaarin. Dhanka kale, sida uu sheegay AL-Xijri, qeybta labaad oo ka kooban 11 Gantaal ayaa la riday, waxaana ku jira mid ku dhacay Saldhigga Mareykanka, iyadoo aan wax khasaare ah geysan, halka kuwa kalena la toogtay. Sidoo kale, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar Majid AL-Ansari ayaa isla shirkaas ka sheegay in dalkiisu “UU sugay Amniga hawadiisa iyo biyahiisa, isagoo ka jawaabaya hanjabaadda Iran ee ku wajahan saldhigyada Maraykanka ee gobolka,” isagoo ka jawaabaya weerarkii Washington ku qaadday xarunteeda Nukliyeerka subaxnimadii Axadda.

XIGASHO-AA.

Next
Next

IRAAN OO SHEEGTAY INEY WEERARTAY SALDHIGA MARAYAKANKA EE QADAR.