MW-XASAN SHEEKH OO BERRI LA KULMI DOONO MUCAARADKIISA.

(SAWIRKA)-MUCAARADKA DFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxmud lagu wado inuu la kulmo Musharixiinta u taagan iney qabtaan xilka Madaxweynaha dalka Soomaaliya kuwaaso hadda ku mideysan daladda la yiraahdo”Madasha Samatabixinta Soomaaliya”taaso uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Dawladdii Ku meelgaarka ahayd Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xubnano ey ka yihiin Reysal Wasaareyaal hore iyo Gudoomiyeyaal Baarlamaan hore. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo kuna dhaw Mucaaradka ayaa Warbaahinta Madaxa Banaan ee Suuqbacaad Media u sheegay in madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu la kulmi doono Madasha uu hogaamiyo Md.Sheekh Shariif Arbacada berri ah kuna beegan 25/6/2025-ka. Sida ey sheegeen ilaha inoo waramay kulan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimo dhawr ah oo ey ka id yihiin Qaabka ey noqoneyso Doorshada 2026-ka,Dib u eegista lagu sameeyey Dastuurka afartiisa Cutub ee ugu horeyso. Sidoo kale,masuuliyiin ka tirsan DFS una dhuun daloola kulanka berri ayaa inoo xaqiijiyey inuu jiro,waxa eyna sheegeen in looga hadli doono tabashada Mucaaradka DFS ee la xiriirta Doorashada, Dastuurka iyo wax ka bedelkiisa iyo arrimaha Argagixisada.Dhinaca kale,Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni iyo Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe oo ku sugan Garoowe ayaa wada yeeshay shirar eysan cidna ku wehelin oo ku saabsan khilaafka Siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka wax ka beddelka Dastuurka iyo Arrimaha doorashooyinka 2026. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Puntland, labada Hoggaamiye ee Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxay yeesheen kulamo si weyn loo xadiday xogtooda, oo eysan jirin cid ku wehelisay, kuwaasi oo ey kaga tashanayeen khilaafaadka Siyaasadeed ee dalka iyo siday u midayn lahaayeen mowqifkooda marxaladda taagan, islamarkaana waxa weli u harsan kulamo kale. Ilo wareed aad ugu dhaw dhinaca Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale xaqiijiyey in shirarkii labada hoggaamiye isfaham ku dhammaadeen, islamarkaana uu haray hal kulan oo ey ku diyaarinayaan War-Murtiyeed wadajir ah oo lagu faahfaahinayo qodobadii ka soo baxay shirarkii labada Madaxweyne uga socday Garoowe. Warku waxa uu intaas ku daray in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) uu isla berri dib ugu laabanayo magaalada Kismaayo. Hawshaan ka socotay caasimadda Puntland ee Garawe ayaa ah mid in mudda ahba uu soo bisleynaayey dalka Isutaga Imaaraatka Carabta,balse markii dambe salka soo dhigatay magaaladda Garawe si loo soo afjaro khilaafkii u dhexeeyey labada hogaamiye soona bilawday tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabay Xamse Cabdi Barre inuu noqdo Reysal Wasaaraha dalka Soomaaliya. Labadaan Hogaamiye ee isku weelka ah ayaa horay waxa ey uga soo horjeesteen Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyagan ku weel ah,waane laba hogaamiye oo si xoogan loogu tuhunsan yahay ineysan ka shaqeyneyn Dano Soomaaliyeed taas bedelkeedana ey ka shaqeynayaan dano shisheeye marka la fiiriyo hab dhaqankooda aan wax kale lagu fasiri karin.

ISHA-SB-MEDIA+PP.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI KA SOCDAY MIDAWGA YURUB.

Next
Next

WARAR GOOS-GOOS AH KUNA SABSAN DAGAALKA IRAAN Vs IRA’IIL.