MW-XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI KA SOCDAY MIDAWGA YURUB.
(SAWIRKA)-MW-XASAN OO QAABILAY WAFDIGA EU-DA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu maanta Madaxtooyada dalka ku qaabilay wafdi ka socday Hayadda EUROPEAN EXTERNAL ACTION SERVICE(EEAS) uu hogaaminaayo Agaasimaha Afrika Mr.Jonas Jonsson. Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhinacyada badan leh ee Soomaaliya iyo Midawga Yurub,waxayna dib u eegis ku sameeyeen sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay dadaalka dheer ee Midawga Yurub kuna aadan Xasiloonida Horumarka iyo Horumarka loo dhan yahay ee dalka Soomaaliya,wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ahayd Safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya. Dhinaca kale,Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ayaa la kulmay Ktrina Svensson oo ah Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya taaso hadda xilka ka sii degeysa,waxa uuna Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud uga mahaceliyey taagerada joogtada ey la garab taagneed dib u habaynta iyo ajanadaha horumarineed ee dalka Soomaaliya mudadii ey xilka heysay. Waxa uuna sidoo kale Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud soo dhaweeyey Agaasimaha Cusub ee Bangiga adduunka Qimiao Fan oo dhashay dalka Shiinaha ahne ninka haayo xilka Bangiga Adduunka ee wadamada Soomaaliya Kenya,Ugandha iyo Ruwanda, waxaane xilkaan loo magacaabay Sebtembar-2024-kii.
ISHA-SB-MEDIA.