SHIRKII MUCAARADKA IYO DFS OO LOO BALAMAY.
(SAWIRKA)-SHIRKII VILLA SOMALIA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo ey wehliyaan Gudiga ey Dawladda Federaalka u xil saartay wada hadaladda ayaa kulan wadatashi ah waxa ey la qaateen Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo uu Hogaaminaayey Gudoomiyaha Madasha Madaxweynihii hore Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ey wehliyaan Reysal Wasaarayashii hore sida Maxamed Xuseen Rooble, Cumar C/rashiid iyo Xasan Cali Khayre,Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya ee KMG ahaa Md.Shariif Xasan Sheekh Aden,Wasiir hore Daahir Maxamud Gelle,Agaasimihii hore ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Md.Maxamed Aden Koofi iyo Xildhibaan C/laahi Carab. Kulanka oo ku furmay jawi aad u wanaagsan iyo is xog waraysi ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxaa la isku raacay in laga wada hadlo Ajande ka kooban afar Qodob oo muhiim u ah dawl dhiska Soomaaliya,kuwaaso kala ah:
(1)-Adkeynta Midnimada dalka Soomaaliya.
(2)-Hanaanka dib u eegista Dastuurka dallka soomaaliya.
(3)-Amniga iyo ciribtirka Argagaixisada Alshabaab iyo Daacish.
(4)-Hanaanka Doorashooyinka tooska ah oo heshiis lagu yahay.
Sidoo kale,waxaa la isla qaatay in la baadi goobo masuuliyiinta weli ka maqan Gogoshaan. Wada hadala dheer ah ka dib, waxaa la isla gartay maadaama uu bilaabanaayo Todobaadka Xuriyadda in shirka dib u furmo 3-da bisha Luuliyo-2025-ka si loo sii ambaqaado wadahadaladda. Dhinaca kale, waxaa weli War-Saxaafadeed soo saarin hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland Deni iyo Madoobe oo maalmihii la soo dhaafay kulan xasaasi ah uu uga socday xarunta Madaxtooyadda Puntland ee Garawe. War ey heshay Warbaahinta Suuqbacaad Media ayaa sheegaya in labada Hogaamiye ey ka war sugayeen wixi ka soo baxa kulanka maanta u dhexeeyey Mucaaradka DFS iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya,si kastaba ha ahaatee, labada hogaamiye ayaa ku kala aragti duwan qodobada ajandaha u ah kulankii ka dhacay Villa Somalia.
ISHA-SB-MEDIA.