DUULIYE MIZAAR SUWAAN OO LA SOO QABTAY.

(SAWIRKA)-S/GAAS.MIZAAR SUWAAN.

(SYRIA)-Magaca duuliye Mizaar Suwaan ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn ugu soo badanayay baraha bulshada ee reer Suuriya, ka dib markii Wasaaradda arrimaha gudaha Suuriya ey shaacisay in la xiray.

“CADAWGA GAWTAAS".

Iyada oo qayb ka ah dacwooyin sharci oo isdaba joog ah ka dib markii xukunka laga tuuray taliskii hore, Wasaaraddu waxay ku dhawaaqday Arbacada maanta ah in la xiray duuliye caan ah oo ku jiray liiska cunaqabataynta Yurub iyo Ingiriiska. Waxa ey sheegtay in Suwaan uu la wareegay taliyaha qeybta ciidamada cirka, islamarkaana uu soo saaray amaro lagu duqeeyay goobo ey muddo sanado ah fariisimo u aheyd kooxaha mucaaradka. Waxa ey sidoo kale sharaxday in lagu naaneeso “Cadowga labada Gawtaas”, maadaama uu dhowr jagooyin ciidan ka soo qabtay, gaar ahaan waxa uu taliye ka ahaa qeybta 20-aad ee hawada Garoonka Diyaaradaha ee AL-Dumayr. Wasaaraddu waxa ey intaa ku dartay in eedaysanuhu uu ku lug lahaa soo saarista awaamiirta diyaaradaha dagaalka si ey u duqeeyaan goobaha ka soo horjeeda taliska ee Bariga iyo Galbeedka Gawtaas, kuwaasoo sanado badan ahaa meelaha ugu caansan ee kooxaha mucaaradka ee ku dhow Dimishiq, sheegashadaas ayaa lagu xaqiijiyay faallooyin lagu daabacay baraha bulshada. Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in Suwaan loo gudbiyay Waaxda La-dagaalanka Argagaxisada si loo soo dhameystiro baaritaanka, loogana qaado tallaabo sharciga waafaqsan, sida ey hadalka u dhigtay.

DACWOOYIN SHARCI OO TAXANA AH:

Waxaa xusid mudan in ku dhawaaqistan ey qeyb ka tahay dacwado isdaba joog ah oo dhanka sharciga ah ka dib markii meesha laga saaray taliskii hore, kuwaasoo isugu jiray saraakiil hore, saraakiil iyo shaqsiyaad ku dhow qoyska talada haya. Dacwooyinkan waxaa ugu dambeeyay Wassim AL-Asad oo Bashaar AL-asad ina adeerkiis ahaa, wuxuuna ka mid ahaa eedaysanayaasha ugu caansan ee lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen ka Ganacsiga Daroogada. Ingiriiska waxa ey Suwaan ku dartay liiska cunaqabataynta Suuriya, iyada oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa "Hawlaha loo fuliyo magaca nidaamka Bashaar AL-Asad ama xiriir la leh siyaasadaha caburinta ee taliska." Midowga Yurub ayaa sidoo kale ku eedeeyay inuu mas'uul ka ahaa "Caadis xoog leh oo uu ku hayo dadka rayidka ah, oo ey ku jirto duqeymo xagga cirka ah oo lagu qaado goobaha rayidka." Tan iyo bishii Disembar ee la soo dhaafay, mas'uuliyiinta cusub ee dalka ayaa billaabay baaritaanno ballaaran oo dalka oo dhan ah si ey u soo qabtaan wax ey ku tilmaameen "Haraadiga" ku lug lahaanshiyaha dambiyada ka dhanka ah rayidka muddada ku dhow 14-ka sano ee colaadda. Xarigii ugu dambeeyay wuxuu ahaa S/Gaas.Muwaffaq Naziir Xaydar oo lagu xiray Gobolka Laadiqiyah. Waxa uu ahaa taliyaha qaybta saddexaad ee taangiyada ee ciidamadii taliskii hore, wuxuuna masuul ka ahaa isbaarada AL-Qutayfah, oo ey dadka Suuriya oo dhami u yaqaaneen "Goobtii dhimashada" xilligii taliska Asad. Dhanka kale, Guddiga Sare ee Nabadeynta iyo Cadaaladda oo loo sameeyay iney la xisaabtamaan dadka ey khuseyso, isla markaana dacwadahooda u gudbiyaan Hay’adaha Garsoorka, ayaa soo uruuriyay cadeymo badan oo ku saabsan Saraakiisha, Askarta iyo dadka kale ee la xiray, iyadoo sidoo kale xabsiga laga sii daayay kumannaan maxaabiis ah oo aan wax dembi ah lagu helin.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY XAFLADDA 65-GUURADA.

Next
Next

SHIRKII MUCAARADKA IYO DFS OO LOO BALAMAY.