MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY XAFLADDA 65-GUURADA.
(SAWIRKA)-GOBOLKA BANADIR.
(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya kala qeybgalay munaasabadda bilowga Todobaadka Xoriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska Sannadguuradda 65-aad ee miro-dhalka halgankii Gobannimo-doonka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay halyeeyadii Gobollada Waqooyi ee horseeday Xoreynta iyo Midnimada, isagoo sheegay in bulshadaas ey door wanaagsan ka qaateen garashada in xoriyaddu aysan ahayn oo kaliya ka tagista gumeystaha, balse ey ka dhigan tahay xaqiijinta Midnimada Ummadda Soomaaliyeed. "Halyeeyadaasi waxayna dhaxalsiiyeen xoriyad iyo midnimo isku sidkan oo ey wax badan ugu hureen si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo taabo gal ah. Taariikhda mar walba way xusi doontaa doorkooda". Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhaawacyo siyaasadeed ey soo gaareen dowladnimada Soomaaliya, kuwaasoo salka ku hayay kalitalisnimo, ku-tagrifal awoodeed iyo maamul-xumo, waxa uuna muujiyay garawsho la xiriirta wixii dhacay taariikh ahaan, isagoo adkeeyay sida ey lagama-maarmaan u tahay in mar kale la hello midnimo dhab ah. "Waan aaminsanahay in xornimadeenna eysan kaamil noqon doonin ilaa aan mar kale mideyno qalbigeenna iyo qaddiyaddeenna. Jidka kaliya ee aan u marayno waa wada-hadal iyo walaaltinimo". Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyay taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta Madax-bannaanida, Midnimada dhuleed iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, waxa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaari karo nabad, barwaaqo iyo is-afgarad waara.
ISHA-SNTV.