WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII MADASHA GOLAHA WADATASHIGA QARAN.
(SAWIRKA)-GWQ.
(MUQDISHO)-DEG DEG: Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in dhawr saacadood ka hor la soo gabagabeeyey Shirkii Madasha Golaha Wadatashiga Qaranka, shirkaan ayaa waxaa shalay oo Talaada ahayd kuna beegneed 6/5/2025-ka Xarunta Madaxtooyadda ka furay Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud, waxaane goobjoog ka ahaa Madaxda Maamul Goboleedyadda Galmudug Md.QoorQoor, H/shabeele Md.Cali Guudlaawe, K/Galbeed Md.LaftaGareen, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho Md.Maxamed Axmed Amiir iyo Hogaamiyaha maamulka Cusub ee SSCkhatumo Md.C/qaadir Firdhiye oo markii ugu horeysay ka qeybgelaayo Shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran,waxaane shirkaan ka maqan oo aan ka qeybgelin Madaxda maamul Goboleedyada Puntland Md.Siciid C/laahi Deni iyo Jubaland Md.Axmed Maxamed Islaam. Warmurtiyeed ka soo baxay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ka kooban ilaa 10-Qodob kuwaaso intooda badan hawlgelinaayo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS sida xaaladda maamulka Jubland,waxaa Wasaaradda loo xil saaray iney ka soo talo bixiso maamulka Jubaland si waafaqsan dastuurka dalka. Shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran waxaa si rasmi ah loogu aqoonsaday SSCKHATUMO iney tahay Dawlad Goboleed ka mid ah Dawladaa Xubnaha ka ah Dawladda Fedraalka Soomaaliya,waxaane lagu dhammaystiraa shir weynaha loo balansan yahay iyadoo la raacaayo dastuurka dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo SSCKHATUMO waxa ey iska kaashan doonaan qabashada Shirweyne iyo Dhismaha maamulka SSCKHATUMO.
LA SOCO WIXI SOO KORDHA.