ITOOBIYA OO SAFIIR U SOO DIRTAY SOOMAALILAND.
(SAWIRKA)-CIRRO IYO SAFIIRKA ITOOBIYA TESHOME SHUNDE XAMITO
(HARGEYSA)-Tan iyo markii Soomaliland iyo Itoobiya ey kala saxiixdeen Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee lagu siinaayey Itoobiya 20-Kiiloomitir oo isku wareeg ah ee biyaha Badda Cas, Itoobiya waxa ey ku adkeysaneysay in Soomaliland ey u aqoonsan doonto dawlad Madax Banaan lana mid ah DFS. Hadaba maxaa soo kordhay oo aan rabaa inaan idinla wadaago? Shalay maxaanad ogayn oo ka dhacay caasimadda Soomaaliland ee Hargeysa? Yaa yimid oo sidii Safiir oo kale loogu soo dhaweeyey Xarunta Madaxtooyadda Soomaliland? Arrintaan ayaa waxaa wax ka qoray Wargayska laga leeyahay dalka Itoobiya ee la yiraahdo”ADDIS STANDARD”,Wargayska ayaa soo bandhigay heerka Itoobiya ka taagan tahay Xadgudubka Qaranimada Soomaaliya akhri: Madaxweynaha Somaliland Cirro oo Hargeysa ku qaabilay ergayga ugu sarreeya Dawladda Itoobiya ayaa xoojiyay xiriirka labada waddan iyo iskaashiga gobolka, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada Hargeysa ku qaabilay ergayga ugu sarreeya Dawladda Itoobiya ee Somaliland, Ambassador Teshome Shunde Xamito, oo ay labada dhinac wada-hadallo ku yeesheen. Kulankan oo qabsoomay 6-dii May, waxa ay labada dhinac kaga wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweyne Cirro waxa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan. Sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee Horn Diplomat, intii ay wada-hadleen labada dhinac waxay xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, waxaanay muujiyeen qiimaha uu leeyahay wada-hadallada joogtada ah iyo kuwa wax dhisaya. Waxay sahamiyeen meelaha muhiimka ah ee labada dhinacba ay dani ugu jirto, oo ay ku jiraan fududaynta Safarka iyo isu socodka dadka ee xuduudka ay wadaagaan. Waxa kale oo ay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriir nabadeed oo miro dhal ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland. Hawl-galkan ayaa ku soo beegmaya, ka dib khudbad-sannadeedkii Madaxweyne Cirro u jeediyey Baarlamaanka, oo uu kaga dhawaaqay u diyaar-garowga socdaallo rasmi ah oo uu dhawaan ku tagi doono dalka Itoobiya. Booqashooyinkan waxaa loogu talagalay in lagu balaariyo iskaashiga iyo kobcinta wadahadal qotodheer oo goboleed.
ISHA-AS.