SHIRKA GOLAHA WADATSHIGA QARANKA OO GALAY…

(SAWIRKA)-GOLAHA WADATASHIGA QARANKA.

(VILLA SOMALIA)-Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxda Soomaalida ey yeelanayaan Wadatashiyo xooggan oo looga hadlayo Arrimaha Siyaasadda, Dastuurka iyo Amniga, kuwaas oo la filayo iney qaabeeyaan hannaanka dowladnimo ee mustaqbalka dalka. Madasha waxaa si rasmi ah u furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana isugu yimid Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo Madaxda SSC-Khaatumo, taasoo noqoneysa markii ugu horeysay oo uu ka qeyb galo wada hadal heer Federaal ah. Si kastaba ha ahaatee, Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si weyn uga maqan wada-hadallada, iyadoo ey soo if-baxayaan Khilaaf Siyaasadeed oo salka ku haya. Golaha Wadatashiga Qarana (NCC) waxa ey diiradda saarayaan in is afgarad laga gaaro afar Arrimood oo waa-weyn oo muhiim u ah Qaranka:

  1. Dhamaystirka Dastuurka KMG ah – Madaxdu waxay ka doodayaan sidii loo dhameystiri lahaa loona ansixin lahaa Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee mudada dheer dib u dhac ku yimid, iyadoo la doonayo in laga dhigo dukumeenti sharci ah oo joogto ah kaasoo adkeynaya hannaanka Federaalka ee dalka, isla markaana cadeynaya awoodaha Hay’adaha.

  2. Dib-u-habaynta Qaabka Doorashada – Nidaam doorasho oo midaysan oo hufan ayaa la raadinayaa si loo beddelo qaabka hadda jira ee ku salaysan qabiilka. Wada-hadallada ayaa salka ku haya sidii loo dhisi lahaa hanaan doorasho oo toos ah, loo dhan yahay oo hubinaya caddaalad iyo Xasillooni Siyaasadeed.

  3. Tayaynta Amniga Qaranka – Goluhu waxa uu dib u eegis ku samaynayaa wada shaqaynta Amniga ee ka dhaxaysa Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah, isaga oo ujeedkiisu yahay in la isku xiro dadaallada ka dhanka ah AL-Shabaab iyo kooxaha kale ee khalkhal gelinaya Amniga dalka. Diirada waxaa ka mid ah xoojinta Hawlgallada Amniga ee wadajirka ah iyo hababka Xog-wadaagga.

  4. Federaalka iyo Awood-qeybsiga – Wufuuddu waxay ka hadlayaan isu-dheellitirka awoodda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, oo ey ku jiraan Maaraynta Kheyraadka dabiiciga ah, baahinta Maaliyadda, iyo hufnaanta doorarka dowladda dhexe.

Shirkan ayaa ah mid ka mid ah shirarkii ugu xasaasisanaa ee Golaha Wadatashiga Qaranku yeesho sannadihii u dambeeyay. Soomaaliya waxay ku taagan tahay waqti muhiim ah oo ey isku dayeyso iney dhameystirto geeddi-socodkeeda dowlad dhisidda. Dhameystirka Dastuurka iyo dib-u-habeynta nidaamka doorashada ayaa ah shuruudo loo baahan yahay in si dimoqraadi ah loo adkeeyo , iyadoo dadaallada Amniga ee la isku dubariday ey fure u yihiin ciribtirka khataraha Argagixisada iyo in la helo nabad waarta. Kulanka ayaa waxa uu ka socdaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu sii socdo ilaa heshiisyo wax ku ool ah laga gaarayo waxyaabihii laga wada hadlay. Qodobada kasoo baxa shir madaxeedkan ayaa dib u qeexi kara qaab dhismeedka Siyaasadda Soomaaliya. Guntii iyo gunaanadkii guulaysta waxa laga yaabaa in la helo hab dawladnimo iyo nabad-gelyo oo midaysan, dalkana ku soo dhawaada iney ka qabsoonto doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo hal Qof iyo Cod ah. Dhanka kale, Maqnaanshaha Puntland iyo Jubbaland waxay hoosta ka xariiqaysaa habacsanaanta nidaamka Federaalka, waxaana laga yaabaa iney caqabad ku noqoto fulinta heshiis kasta oo dalka oo dhan ka dhaca. Tan iyo markii la ansixiyey Dastuurka ku meel gaarka ah sannadkii 2012-kii, Soomaaliya waxa ey la daalaa dheceysay aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan Federaalka,Dib habeynta laamaha Amniga iyo baahinta Siyaasadda. Shirar badan oo Golaha Wadatashiga Qaran ey yeesheen sannadihii la soo dhaafay ayaa la isku dayey iney eesh ka saaraan khilaafka u dhexeeyo DFS iyo Dawladaha Xubnaha ka ah DFS, iyadoo inta badan laga soo saaray natiijooyin kala duwan. Wada hadaladan u dambeeyey ayaa loo arkaa mid dib u soo cusboonaatay laguna jebinaayo ismari waaga iyo in Qaranka loo dhaqaajiyo nidaam Siyaasadeed oo xasiloon oo Heyadeed. Qodobadii ugu muhiimsanaay ee ka soo baxay shirkan kii ka horeeyey ee 2024-kii ayaa waxaa ka mid ahaa: (1)-Sugidda Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. (2)-Dhammaystirka dib u eegista Dastuurka. (3)-Arrimaha Bani’adanimada. Dhinaca kale, GWQ ayaa sannadkii 2023-kii waxa ey ku heshiiyeen qodobo eyka mid yihiin: (1)-Hanaanka Doorashooyinka. (2)-Degaan Doorashada. (3)-Golaha Shacabka ee JFS. (4)-Golaha aqalka Sare ee JFS. (5)-Golayaasha Wakiiladda Dawladaha Xubnaha ka ah DFS. (6)-Dawladaha Hoose. LA SOCO WIXII KA SOO BAXA KULANKAN.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

WAR MURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII MADASHA GOLAHA WADATASHIGA QARAN.

Next
Next

MADAXDA HAYADDA MAAREYNT MUSIIBOOYINKA OO SHIR KAGA QEYB..