MADAXDA HAYADDA MAAREYNT MUSIIBOOYINKA OO SHIR KAGA QEYB..
(SAWIRKA)-HAYADDA MAAREEYNTA MUSIIBOOYINKA.
(KENYA)-Wararka laga helaay magaaladda NAIVASH ee dalka aKenya ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Soomaaliya Md.Maxamuud Macallin Cabdulle oo magaalada Naivasha ee Dalka Kenya ka daah-furay Mashruuc ey ku kacayso lacag ka badan Afartan Milyan oo Doolarka maraykanka ah. Mashruuca (WISER Action First - Eastern Africa) oo Wadamada Bariga Afrika looga taageeri doono sidii sare loogu qaadi lahaa Awooda u Adkeeysiga Aafooyinka ee bulshada kuwa ugu nugul ee Gobolka Bariga Africa oo ey Soomaaliyana qeyb ka tahay, iyadoo ey Mashruucan fulin doonaan Hay’addaha Maareeynta Musiibooyinka iyo kuwa Saadaasha Cimilada u qaabilsan Wadamada Bariga Afrika. Mashruucan wuxuu socon doonaa muddo Afar sano ah, waxaana maalgelineysa Dowladda Ingiriisa (UK) Hay’addeeda u qaabilsan Horumarinta ee FCDO. Guddoomiyaha oo Munaasabadda Daah-furka Mashruuca hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay inuu Mashruucu ku soo aaday waqti aad loogu baahnaa, wuxuuna iftiimiyay faa’iidada Mashruucan u leeyahay dhameeystirka firaaqa ka jira hanaanka bixiya digniinaha Halis-wadareedka dalalka Gobolka gaar ahaan dalkeenna Soomaaliya. Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa gabogabadii munaasabadda wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ey leedahay in Mashruucan laga faa’iideeysto, wuxuuna kula dardaarmay dhammaan Bah-wadaagta Mashruuca fulinaysa iney si hufan oo daah-furnaan leh u gutaan waajibaadkooda si bulshadu si siman ugu faa’iidaysato.
ISHA-SNTV.