SOOMAALIYA IYO MALEESHIYA OO KALA SAXIIXDAY…
(SAWIRKA)- SOOMAALIYA IYO MALEESIYA MADAXDEEDA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) oo gaar ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Maleesiya (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internet-ka ee Maleesiya (CyberSecurity Malaysia). Heshiisyadan ayaa xoojinaaya iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan maamulka dhijitaalka, Wadashaqeynta Farsamo iyo Kobcinta Amniga Internet-ka. Heshiiska ugu horeeya oo lala saxiixday Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Maleesiya ayaa diiradda saaraya iskaashi ku wajahan arrimo la xiriira: Xeernidaamiyeyaasha iyo Qaab-dhismeedka Farsamada ee 5G, isweydaarsiga siyaasadaha maamulka isgaarsiinta, iyo barnaamijyo tababaro gaaban iyo khibrad is-dhaafsi oo lagu xoojinayo awoodda Hay’adaha; Heshiiskan ayaa waxa uu saldhig u noqonayaa iskaashi ballaaran oo ku aaddan la wadaagga Waayo-aragnimada Maamulka Isgaarsiinta iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dhijitaalka ah. Heshiiska labaad oo lala saxiixday Hay’adda Amniga Internet-ka Maleesiya (CyberSecurity Malaysia) ayaa lagu qeexay iskaashi wadajir ah oo lagu wajahayo caqabadaha guud ee dhinaca Amniga Internet-ka, gaar ahaan qodobo la xiriira ka hortagga iyo ka jawaabista weerarada internet-ka, isdhaafsiga xogta khatarta ah iyo isbeddellada Amniga Teknoolojiyadda, iskaashi ku saabsan diblomaasiyadda internet-ka, iyo in Dalkeena uu qeyb ka noqdo Barnaamijka Caalamiga ah ee tababarada ee Global ACE. Iskaashiyadan cusub waxay ka tarjumayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uga go’an tahay in la xoojiyo Horumarka Teknoolojiyadda dalka, iyada oo kaashaneysa iskaashi caalami ah iyo hirgelinta hab-raacyada heerarka ugu sareeya ee caalamka.
ISHA-SNTV.