WAFDI SARE OO GAARAY G/SHABEELADDA DHEXE,SABABTA?
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI.
(VILLA SOMALIA)-Laba sano ka hor ayey ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu kulamo gaar ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Dawlad Goboleedka Galmudug isaga oo ku suga magaaladda caasimada ah ee Dhuusamareeb. Waqtigaas ayuu Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh waxa uu tilmaamay in Odayaasha dhaqanka ee Galmudug iney lafdhabar u yihiin dagaalka lagu ciribtiraay kooxda ALshabaab,waxa uuna ku adkeeyey Odayaasha dhaqanka Galmudug iney Hormuud ka noqdaan dagaalka ALshabaab,maxaa dhacay waqtigaas oo sababay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isaga soo tago iyadoo aan la xureeyn degmooyinka ALshabaab ey ka heystaan G/Galgaduud sida Ceel-Buur iyo Galhareeri? Kooxdii Waaya-arag ee uu hogaaminaayey QoorQoor maxay DFS uga hor istaageen in duqeyn lagu asqeeyo ALshabaab ku sugan degmooyinka aan soo sheenay? Haddii ey weli joogaan raga kala ah QoorQoor, Ugaas Dhegeey Iyo Dhegdheer miyey dhici kartaa in kooxda ALshabaab laga saaro degaanadda ey gacanta ku haayaan eyna ugu weyn tahay degmada Ceelbuur? Warar ey heshay Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA ayaa xaqiijiyey in Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud uu isu diyaarinaayo safar inuu ku tago magaaladda Dhuusamareeb oo ah caasimadda G/Mudug, safarka Madaxweynaha ayaa ah mid ujeeda badan ah isna saaran. Mida koowaad ayaa ah dardargelinta Doorashada Qof iyo Cod sidii ey G/Mudug uga dhici leheed waqtigii loogu talagalay, mida xigta dagaalka kooxda ALshabaab oo isagana ah mid waqtigaan u baahan dardargelin kama dambays ah,ayuu Madaxweynuhu rabaa inuu kala hadlo hogaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta degaanka G/mudug. Ma kala cadda mana aha mid la saadaalin karo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaan doono furinta dagaalka halkaasne uu ka hogaamin doono dagaalka lagu ciribtiraay kooxda ALshabaab. Dhinaca kale, Wasiirka G/dhiga XFS Md.Axmed Macallin Fiqi oo ey wehliyaan Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Md.Dr.Muungaab, Gudoomiyaha G/Shabeeladda Dhexe Md.Masdile, Xildhibaan Xaadoole iyo Gudoomiyaha Degmada Y/shiid ee G/Banaadir Md.Suleymaan Fargax ayaa gaaray furimaha dagaalka ee G/shabeeladda dhexe si ey halkaasi uga sii wadaan dagaalka ka dhana ah kooxda ALshabaab, kuwaaso hadda la sheegaayo iney soo buuxiyeen degaano hoostaga degmada Masaajid Cali-Guduud ee G/Shabeeladda dhexe.
ISHA-SB-MEDIA.