KULANKA TRUMP IYO ZELENSKY OO KA FURMAY WASHINGTON.

(SAWIRKA)-TRUMP IYO ZELENSKY.

(WASHINGTON)-BREAKING NEWWS: Wararka laga helaayo Aqalka Cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Madaxweynaha dalkaasi Maraykanka Donald Trump uu dhawaan Aqalka Cad ku qaabilay dhigiisa dalka Yukreyn Zelensky. Hogaamiyeyaasha Yurub ayaa iyagana u yimid Aqalka Cad si ey uga qeybgalaan wada hadaladda u dhexeeyo Madaxweyne Trump iyo Madaxwey Zelensky. Xogahyaha Guud ee Ururka NATO Mark Rutte, Gudoomiyaha Gudiga Yurub Ursula Van der Leyen, Reysal Wasaaraha Ingiriiska Starmer, Reysal Wasaaraha Talyaaniga Giorgio Meloni, Madaxweynaha Finland Alexander Stubbo iyo Reysal Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa iyaguna soo gaaray Aqalka Cad, waxaane lagu wadaa inuu ku soo biiri doono Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel mackron. Ka dib markii uu soo gaaray Washington, Reysal Wasaaraha dalka Ingiriiska Starmer ayuu muuqaal soo dhigay bartiisa X waxa uuna raaciyey qoraalkan “Waa inaan Hubino in nabad la gaaro lana joogteeyo, iyo iney tahay nabad cadaalada ah. Taasi waa sababta aan Washington ugu soo safray si aan Madax kale oo Yurub ah aan ugala hadlo arrintaan”.

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

KULANKII SHALAY U DHEXEEYEY MUCAARADKA IYO BEESHA CAALAMKA,MAXAA KASOO BAXAY?

Next
Next

WAFDI SARE OO GAARAY G/SHABEELADDA DHEXE,SABABTA?