KULANKII SHALAY U DHEXEEYEY MUCAARADKA IYO BEESHA CAALAMKA,MAXAA KASOO BAXAY?
(SAWIRKA)-MUCAARADKA IYO BEESHA CAALAMKA.
(MUQDISHO)-Waxaa shalay oo Axad ahayd lagu waday inuu qabsoomo kulan muhiim ah oo u dhexeeya Safiirrada Beesha Caalamka iyo Siyaasiinta Madasha Samatabixinta ee uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ey sheegayaan ilo wareedyo Muhiim ah. Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaaladda cakiran ee Siyaasadda Soomaaliya iyo ismariwaaga Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Musharaxiinta Mucaaradka ah ee doonaya in isbedel la sameeyo. Mucaaradka ayaa Beesha Caalamka la wadaagay iney weli Madaxtooyada Soomaaliya eysan diyaar u aheyn in xal laga gaaro arrimaha khilaafka ka taagan yahay sida Dastuurka, iyo Hanaanka Doorashooyinka. Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa si cad u diiday in Madaxtooyada Soomaaliya keligeed go’aan ka gaarto Arrimaha Doorashooyinka, Waxayna ku doodayaan in loo baahan yahay heshiis Siyaasadeed oo ballaaran si loo xaqiijiyo in si nabdoon dalka ugu dhacdo doorasho heshiis lagu yahay. Kulanka shalay ey yeesheen dhinacyada ayaa waxaa laga filan karaa inuu horseedo in La helo isku soo dhowaansho Siyaasadeed oo lagu dardar geliyo hannaanka doorashooyinka Ama khilaafka sii fido, taas oo wiiqi karta kalsoonida bulshada caalamka ee Madaxtooyada Soomaaliya iyo nidaamka hadda jira. Waxaa sidoo kale suurtagal in dhinacyada la isku soo dhaweeyo, waxaana kulanka Mucaaradka ka dib la filayaa in Xubnaha Beesha Caalamka ey kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu weli u socda wadahadalo lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya. Mucaaradka ayaa hadda wajahaayo culeysyo siyaasadeed oo aad u culus ka dib markii ey u kala jabeen laba garab iskana soo horjeedo,garabyadaan ayaan marnaba isugu imaan karin hal aragti oo mideysan oo looga hoortegi karo Siyaasada Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan Dastuurka iyo Doorashooyinka dalka lagu wado iney ka dhacaan sannadka soo socdo wixi ka dambeeyo taariikhdu markeey tahay 15/5/2026-ka, waqtigaaso ku eg xilka Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud.
ISHA-RISAALA..