MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY DH/MAREEB.
(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO QOORQOOR.
(DH/MAREEB)-Wararka laga helaayo caasimadda Dawlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ey wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug. Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran u soo dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye(QOOR_QOOR), Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, Bulshada iyo Odeyaasha dhaqanka ee reer Galmudug. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud ayaa inta uu ku sugan yahay magaaladda Dh/mareeb waxa uu kulammo la leeylan doonaa Madaxda Dawlad Goboleedka Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona Mashaariic Horumarineed oo laga Hirgaliyey Galmudug. Sidoo kale, Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo uu xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirri gelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.
ISHA-VILLA SOMALIA.