ISLA XISAABTANKA GOLAHA WASIIRADDA EE DFS OO SI XAWLI AH U SOCDO.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA XFS.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyaee Muqdisho ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira Barnaamijka la-Xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo ka weydiiyey Wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda. Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ey ku qabaan Hay’adaha dawladda, maadama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag. Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ey ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka. Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ey joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GUD.MUUNGAAB IYO XIL.XAADOOLE WAA EY QAATEEN DOORKOODA.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY DH/MAREEB.