GUD.MUUNGAAB IYO XIL.XAADOOLE WAA EY QAATEEN DOORKOODA.

(SAWIRKA)-GUD.MUUNGAAB, FIQI,XAADOOLE IYO SAHAL.

(XALUULE/SH/DHEXE)-Wararka laga helaayo degaanka Xaluule ee degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr/Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), uu maanta oo talaado ah booqday cutubyo ciidanka deegaanka ee Macawisley ah, kuwaasoo lagu diyaariyay deegaanka Xaluule ee hoos yimaada degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Tirada xoogaggan xaq-u-dirirka ah ayaa ah middii ugu badnayd ee hal mar laga abaabulo mandiqadda. Duqa Muqdisho oo kaalin muuqata ku lahaa diyaarinta iyo abaabulka ciidamada deegaanka ee loogu talagalay ka qaybgalka duullaanka ku wajahan Khawaarijta, ayaa ciidamada Macawisleyda ah u sheegay in dhawaan la billaabi doono hawlgal saf ballaaran, iyadoo la fulinayo hagidda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Dr/Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa warbixin ku saabsan diyaargarowga ciidamada deegaanka siiyey Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar. Wuxuu caddeeyey in ciidamadan Macawisleyda ah oo gaaraya boqollaal mujaahid, eysan ku jirin hal xubin oo katirsan Ciidanka Qaranka, balse dhammaantood ey si buuxda ugu diyaarsan yihiin difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta. Kormeerkan uu maanta ku tegay deegaanka Xaluule ee degmada Warsheekh, ayaa qayb ka ahaa safar shaqo oo uu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ku marayo deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe kuwaaso Mungaab asala ahaan uu ka soo jeedo. Safarka ayaa shalay uga billaabmay deegaanka Xaaji Cali ee degmada Cadale, waxaana uu ku soo maray degmada Raage-Ceelle iyo Xerada Ciidanka ee deegaanka Qorillow. Ujeeddada guud ee socdaalkan ayaa ah dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaasoo caqabad ku ah horumarka Soomaaliya iyo Amniga muwaadiniinteeda. Hadaba waxaa halkaan ka muuqato in Xildhibaan Xaadoole iyo Gudoomiye Muungaab ey qaateen Doorkooda la dagaalanka ALshabaab,balse G/shabeeladda dhexe waxaa degan beelo kale kuna abtirsada Mudulood/Abgaal sida Harti Abgaal,waxaane kooxda ALshabaab ey heysataa degmooyinka ugu badan ey degto beesha Harti Abgaal sida Masaajid Cali Guduud, Biya Cadde, Ceel Baraf.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

UK OO QABATAY MUKHALASIIN U KALA DHALATAY TURKI IYO KUWEYT.

Next
Next

ISLA XISAABTANKA GOLAHA WASIIRADDA EE DFS OO SI XAWLI AH U SOCDO.