MA ISLA XISAABTAN DHAB AH MASE ISKA DIFAAC MOOSHIN?
(SAWIRKA)-RW-XAMSE IYO WASIIRO.
(MUQDISHO)-Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay hannaanka la xisaabtanka Golaha Wasiirrada ee ku aaddan waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradaha sanadkii la soo dhaafay ee 2024-kii, iyada oo laga duulayo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda DanQaran, si sare loogu qaado tayada nolosha iyo Horumarka Bulshada Soomaaliyeed. Isla-xisaabtanka oo lagu bilaabay Wasaaradaha ku mideysan Tiirka Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ey soo bandhigeen guulaha ey xaqiijiyeen iyo qorsheyaashooda ku aaddan horumarinta dalka, iyadoo la raacayo yoolalka qorshaha isbeddelka Qaranka iyo ballanqaadyadii Waxqabad oo ey horey u wada galeen Raysal Wasaaraha. Wasaaradahan ayaa soo bandhigay waxqabadyo muhiim ah oo ey ka mid yihiin,”Kobaca dakhliga Gudaha iyo hirgelinta nidaam casri ah ee Maaliyadeed, fududeynta Ganacsiga iyo dhiirrigelinta Warshadaha, Qorsheynta Maalgashiyo Caalami ah, horumarinta wax-soosaarka beeraha iyo nidaamyada waraabka, ilaalinta iyo maareynta kheyraadka badda, dib-u-dhiska iyo casriyeynta kaabayaasha gaadiidka hawada, Dekadaha iyo waddooyinka, barnaamijyo shaqo abuur bulsho oo lagu garab istaagayo dhallinyarada iyo bulshada ku wooda nugul”. Raysal Wasaaraha, ayaa Wasaaradaha waxaa uu su'aalo ka weydiiyey qorsheyaashooda Qaranka, si loo hubiyo inay xaqiijiyeen barnaamijyadii iyo ballanqaadkii ey horey u saxiixeen. Waxaana uu kula dardaarmay iney sii xoojiyaan dadaalkooda iyo qorsheyaasha u dagsan, laguna xisaabtamayo Wasaarad walba shaqada ey hayso, si bulshada Soomaaliyeed loola wadaago horumarrada la gaaray. Xukuumadda DanQaran, ayaa muddadii saddexda sano ahayd oo ey jirtay waxa ey xaqiijisay guulo wax-ku ool ah iyo yoolal muhiim u ah Qaranka, kuwaasoo horseeday kobac dhaqaale, horumar amni, dib-u-dhiska dalkeenna, adkeynta midnimada, iyo fududeynta adeegyada dowladda oo loo dhaweeyay shacabka, si loo gaaro horumar taabbo-gal ah. Waxaa la is weydiin karaa hal su’aal oo ah Reysal Wasaare Xamse Cabdi Barre mudadii uu joogay Xafiiska ma jiray oo ma la arkay Wasiir shaqada looga joojiyey Waxqabad la’aan? Haddii jawaabtu Maya tahay,arrinkaan maanta uu sameeyey muxuu noqob karaa?
XIGASHO-SNTV.