TOOGASHO KA DHACDA BROOKLYN NY OO EY DAD KU DHINTEEN.
(SAWIRKA)-GOOBTA TOOGASHADA KA DHACDA EE NEW YORK.
(NEW YORK)-Booliska magaaladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in 3 qof ey ku dhinteen toogashadii ka dhacday goob lagu caweeyo kunataallo Brooklyn. Saddex nin, oo uu ku jiro 19-jir, ayaa la dilay sagaal qof oo kalena waa la dhaawacay subaxnimadii hore ee Axadda, ka dib markii muran ka dhex dhacay goob lagu caweeyo oo dad badan ey ku sugnaayeen kuna taal magaalada New York, ayaa waxaa ka dhex qarxay fal toogasho ah oo ey booliisku sheegeen inuu yahay mid u muuqdeen iney ku lug lahaayeen dabley badan oo tobannaan xabbadood ridayey. Ma jirto cid loo soo qabtay dhacdadan dhimashada badan, ayay tiri Jessica Tisch oo ah Gudoomiyaha Waaxda Booliska New York(NYPD) ka dib markii ey qabatay shir jaraa'id duhurnimadii Axada maanta ah, kaasoo daba socday shir jaraa'id oo bilow ah oo ey bixisay subaxnimadii hore. Booliisku waxay baarayaan muuqaallada amniga waxayna wareysiyo la yeelanayaan markhaatiyaasha si ey u aqoonsadaan kuwa toogashada geystay, Tisch ayaa sidoo kale tiri. Tisch waxa uu sheegtay in toogashadu ey u muuqato mid xiriir la leh kooxo Gaangis ah balse waxa uu ka gaabsatay iney tafaasiil ka bixiso, iyada oo soo xiganaysa baaritaanka socda. Waxa ey sheegtay in ilaa afar dabley ah ey rasaas ku fureen gudaha goobta lagu caweeyo,iyagoona ku dhaaway dad badan oo goobta ku sugnaa. Toogashada ayaa dhacday abaaro 3:27 subaxnimo Axada gudaha Goobta lagu caweeyo Lounge City ee xaafada Crown Heights ee Brooklyn, taasoo Tisch uu sheegay iney ka buuxaan macaamiil wakhtiga shilka. Booliiska magaalada New York ayaa baaraya toogashada, Agoosto 17, 2025, gudaha baar lagu caweeyo oo ku yaal xaafadda Crown Heights ee Brooklyn oo ey ku dhinteen saddex nin, siddeed qofna ey ku dhaawacmeen. Guddoomiyaha ayaa sheegtay in askartu ey soo gaareen Goobta ee waddada Franklin daqiiqado gudahood markii la soo wacay 911-kii ugu horreeyay ee la soo tebiyay toogashada oo ey ka heleen goob fowdo ah, iyadoo dhibbanayaal badan oo da'doodu u dhaxayso 19 ilaa 61 jir ey gudaha cawayska ku dhaawacmeen dhaawacyo rasaas ah. Tisch wuxuu sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha nin 27 jir ah iyo nin 35 jir ah, loo qaaday isbitaallada, halkaasoo lagu sheegay iney ku dhinteen. Waxay sheegtay in dhimashada saddexaad uu ahaa nin 19 jir ah, kaasoo ku dhintay isla goobta. Waxay sheegtay in dhibanayaasha badbaaday ey kala yihiin saddex Dumar ah iyo lix Rag ah loo qaaday isbitaallada iyagoo qaba dhaawacyo u muuqday kuwo aan halis ahayn. Toogasho, Aug. 17, 2025, gudaha goobta caweyska City ee xaafadda Crown Heights ee Brooklyn ayaa sababay dhimashada saddex nin iyo siddeed qof dhaawac, sida uu boolisku sheegay "Waxa aan ognahay horudhac ayaa ah in muran uu ka dhacay goob ey dadku ku badnaayeen taasoo keentay toogashada," ayey tiri Tisch. "Waxaan leenahay toogashooyin badan oo ku lug lahaa toogashadan."Tisch waxa ey sheegtay in baarayaashu ey ka soo ururiyeen ugu yaraan 42-Qolofta Xabadda ah gudaha goobta laguu caweeyo kuwaasoo ka yimid (9mm) iyo (.45) oo ah hubka la isticmaalay qiyaastiisa. Booliiska magaalada New York ayaa baaraya toogashada, Agoosto 17, 2025, gudaha baar lagu caweeyo oo ku yaal xaafadda Crown Heights ee Brooklyn oo ey ku dhinteen saddex nin, siddeed qofna kalane ey ku dhaawacmeen. Hub ayaa laga soo furtay meel u dhow agagaarka Bedford Avenue iyo Eastern Parkway, Tisch ayey tiri, iyada oo intaa ku dartay in booliisku ey baarayaan in uu ku lug lahaa toogashada. Duqa magaalada New York Eric Adams ayaa waydiistay iney gacan ka siiyaan dadweynaha sidii dambiilayaasha loo horkeeni lahaa cadaaladda. "Haddii aad joogtid gudaha naadiga, haddii aad maqashay shakhsiyaad ka hadlaya toogashadan, haddii aad markhaati ka tahay qof ka cararaya goobta, macluumaad kastaa wuxuu noo ogolaanayaa inaan isku xirno halxiraalaha si aan u xalino dambigan," Adams ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Toogashada ayaa dhacday iyadoo Waaxda Booliska New York(NYPD) ey diiwaan galisay tiradii ugu yareyd ee toogashada todobadii bilood ee ugu horeysay sanadka, ayuu yiri Tisch. Marka loo eego tirakoobka dambiyada magaalada Waaxda Booliska New York(NYPD) ilaa Agoosto 10, tirada dhibanayaasha toogashada ayaa hoos u dhacay ku dhawaad 22% sanadkan marka loo eego isla xilligaas sanadkii hore, waxaana tirada dhacdooyinka toogashada ey hoos u dhacday 20.5% marka la barbardhigo isla muddadaas. "Wax sidan oo kale ah, dabcan, waa Ilaah mahaddii, xaalad aan caadi ahayn, waana arrin aad u xun oo dhacday saaka," Tisch ayaa tiri. Laakin waanu baareynaa oo aan gunta u dhaadhaceynaa waxa dhacay.
ISHA-ABC NEWS.