WAFDI MILETERI OO KA SOCDO DALKA MASAR OO SOO GAARAY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-AUSSOM.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Wafdi 16-xubnood ka kooban kana tirsan Ciidanka dalka Masar ayaa shalay Muqdisho u yimid hawlgal u kuurgalis ah ka hor inta eysan Dawladda Masar guuto milatari ah ku biirin Hawlgalka Midawga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaalia eeAUSSOM. Wafdiga reer Masar oo uu Hoggaaminayay S/Gaas Islam Radwan waxaa soo dhaweeyey Saraakiil ka kala tirsan Hawlgalka Midawga Afrika ee Taageeradda iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM & Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed. Wafdiga ayaa markaas ka dib waxa ey la kulmeen Madaxda hawlgalka AUSSOM, ee uu Hoggaaminayo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Midawga Afrika ee Taageeradda iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM, Danjire EL Hadji Ibrahima Diene, iyagoo ka qeybgalay xog-warran Amni oo ka dhacay Taliska Guud ee Ciidanka Hawlgalka AUSSOM. Wafdiga reer Masar ayaa sidoo kale kormeeri doono Xarumo muhiim ah kuwaaso la xiriira Dejinta iyo Saadka ciidanka Masar u qaabilsan kuna kala yaallooyinka Muqdisho iyo Goobaha kale ee laga fulinaayo hawlgalka. Dhinaca kale, maalin ka hor ayey ahayd markii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa Xarunta Wasaaradda G/dhiga ku qaabilay Col. Axmed Fatxi Cabdelsatar AL-Xusayni, oo ah ku qeybsanaha Arrimaha Difaaca ee Safaaradda Masar. Kulanka ayaa looga wada hadlay Xoojinta Iskaashiga labada dal ee dhinacyada Difaaca, Tababarrada iyo Dardargelinta diyaar-garowga Ciidamada Masar ee ku soo biiraya Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

ISHA-SNTV.



Previous
Previous

GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO FADHI YEESHAY.

Next
Next

XEER ILAALIYAHA QARANKA OO WAR CULUS KA SOO SAARAY SUMCAD DILKA MADAXDA DFS.