XEER ILAALIYAHA QARANKA OO WAR CULUS KA SOO SAARAY SUMCAD DILKA MADAXDA DFS.
(SAWIRKA)-XEER ILAALIYAHA QARANKA.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Xafiiska Xeer IlaaliyahaGuud ee Qaranka uu gacanta ku haayo Gal-Dacwadeedyo la Xiriira Caayda ama Aflagaadada, Sumcad Dilka, Isku dirka Bulshada, Faafinta Sawirro iyo Muuqaalo Anshax Xumo, Faafinta Beenta iyo Kicinta Bulshada Dhexdeeda ah, Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay iney jiraan dad loo Maxkamadeeyey arrimaha aan kor ku soo xusnay iyo kuwa hadda ey socdaan baarista kiisaskooda. Xeer Ilaalinta ayaa sheegtay in kiisaskaan ey muujinayaan sida falalka nuucani ah ey khatar ugu yihiin Xasiloonida Bulshada, Sumcadda dadka, Amniga iyo kalsoonida guud ee Bulshada. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay isagoo gudanaayo waajibaadkiisa ku aadan ilaalinta Sharciga, kala dambeynta, iyo badqabka bulshada, waxa uu digniin adag u diray cid kasta oo ku kacda falal kasoo horjeeda shuruucda dalka iyo Sumcadda shacabka, waxa uuna Xafiiska Xeer ilaaliyaha uu ku wargeliyey in tallaabo sharci ah oo adag laga qaadi doono kuwa lagu helo qodobada kor ku xusan, si loo ilaaliyo sharafta, Sumcadda iyo nabadgelyadda bulshada Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay inuu adkeynaayo ilaainta sharciga, ka hortaga dembiyadda, difaaca Sumcadda bulshada, kuwaaso ah tiirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinta nabad waarta iyo horumarka bulshada si joogta ah. Arrintaan ayaa ku soo aadeyso iyadoo ey jiraan masuuliyiin ka tirsan DFS gaar ahaan Baarlamaanka JFS ey si joogta ah Warbaahinta ugu Caaytamaan iyagoo aan u fiirin masuuliyadda ka saaran Amniga iyo Ixtiraamka masuuliyiinta kale ee iyaga kala tirsan DFS. Hayadda Sharci Dejinta iyada ayaa laga rabaa iney ilaaliso sharafka iyo Sumcadda Madaxda Qaranka ey iyagu xilka u dhiibteen kuna kormeerayaan, haddiise iyagii qaar ka mid yihiin ey jebinayaan sharcigii ey u xil saarnaayeen Ilaalintiisa saw sheekadu ma noqoneyso ”Haddii Daawadii Bukooto Maxaa lagu Daweeyaa”.
ISHA-SNTV.