GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO FADHI YEESHAY.

(SAWIRKA)GUDIGA JOOGTADA AH.

(MUQDISHO)-Warark aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, kaas oo seddex maalmood socon doona. Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada u sheegay in kulanka banbaxa uu socon doono mudo seddex maalmood ah islamarkaana inta uu socdo lagu dejin doono Ajendayaasha Kalfadhiga todobaad ee Golaha Shacabka, waxa uuna xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay in maalmaha uu kulanka socdo ey dardargeliyaan ka doodista Ajendayaasha Kalfadhiga todobaad islamarkaana ey muhiimad gaar ah siiyaan Shuruucda horutebinta u leh Horumarka Dowladnimo ee dalka Soomaaliya. Kulankan ayaa maalmaha uu socdo xubnaha guddiga waxa ey kaga doodi doonaan Ajandeyaasha Kalfadhiga todobaad oo isugu jira Shuruucdii ka hartay Kalfadhigii Lixaad iyo Shuruucda cusub ee ey Xukuumadda Federaalak Soomaaliya u soo gudbisay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka.


Previous
Previous

GUDOONKA WAXBARASHADA G/BANADIR OO AMRAY IN CALANKA SOOMAALIYA LA SURO DUGSIYADA.

Next
Next

WAFDI MILETERI OO KA SOCDO DALKA MASAR OO SOO GAARAY SOOMAALIYA.