GUDOONKA WAXBARASHADA G/BANADIR OO AMRAY IN CALANKA SOOMAALIYA LA SURO DUGSIYADA.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA WAXB.G/BANAADIR.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Gudoonka Waxbarshada Gobolka Banaadir ayaa sheegaayo in Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir uufaray dhammaan Dugsiyada ku yaalla caasimadda Muqdisho iney Suraan Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si joogto ahna uu uga muuqda Gudaha ama Bannaanka Dugsiyada. Amarkan ayaa waxaa bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), isagoo si cad u sheegay in tallaabo laga qaadi doono Dugsiyada aan u Hoggaansamin amarkan. Bayaan uu soo saaray Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ujeedada tallaabadan tahay in la xoojiyo Waddaniyadda, Anshaxa, iyo Qiyamka dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo la adeegsanayo Astaanta Qaranka ee calanka buluugga ah ee xiddigta cad leh. Maamulka ayaa intaas ku daray in kormeero joogto ah lagu sameeyn doono dugsiyada si loo xaqiijiyo in calanka si sax ah loo suray, isla markaana lagu qiimeeyo tayada adeegyada Waxbarasho oo ey bixiyaan Dugsiyadda caasimadda Muqdisho. "Waxaan go’aansanay in dugsiyada ku yaalla Gobolka Banaadir ey waajib ku tahay iney muujiyaan muhiimada uu leeyahay calanka Soomaaliya iyadoo la raacayo midabkiisa saxda ah, isla markaana ey hirgeliyaan barnaamijyo lagu kobcinayo Waddaniyadda iyo Anshaxa ardayda Soomaaliyeed, Si arrimahan loo xaqiijiyo, Maamulka Waxbarashada Gobolka Banaadir wuxuu bilaabi doonaa kormeero joogto ah oo lagu hubinayo in calanka Soomaaliya laga taagay dugsiyada, iyo sidoo kale lagu qiimeynayo tayada adeegyada Waxbarasho ee la bixiyo.” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Agaasinka Waxbarasha Gobolka Banaadir. Ma ahan markii ugu horeysay ee maamulka Gobolka Banaadir uu soo rogo amar noocan ah sanadkii hore, maamulka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in Ganacsiyada magaalada Muqdisho ey goobahooda Ganacsiga suraan calanka Soomaaliya intii lagu jiray usbuuca Xorriyadda oo ku beegan dhammaadka bisha Juun ilaa billowga bisha Luulyo.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SOOMAALIYA IYO SEERBIYA OO KALA SAXIIXDAY HESHIISYO.

Next
Next

GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO FADHI YEESHAY.