SOOMAALIYA IYO SEERBIYA OO KALA SAXIIXDAY HESHIISYO.

(SAWIRKA)-KULANKII SEERBIYA.

(BELGRADE)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Sebiya ee Belgrade ayaa sheegaayo in Raysal Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, uu maanta magaalada caasimadda ah ee Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbiya, Mudane Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ey ka mid yihiin, Xoojinta xiriirka iyo Sskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada Ganacsiga, Maalgashiga, iyo Wada-shaqeynta Amniga, Waxbarashada iyo Caafimaadka. Raysal Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Qasriga Madaxtooyada Serbiya loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, iyada oo labada dowladdood ey kala saxiixdeen Heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka. Raysal Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ey ka jiraan fursado Maalgashi oo ey ka mid yihiin Dhaqaalaha Buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaasoo Ganacsatada Serbiya siinaya fursad Maalgashi ey ku sameyn karaan. Raysal Wasaaruhu waxa uu ku casuumay Dowladda iyo Ganacsatada Serbiya iney booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ey Maalgashi ku sameyn karaan. Mudane RW-Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyey Raysal Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbiya Mudane Đuro Macut soo dhaweynta diirran ee ey ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

GUDIGA JOOGTADA EE AQALKA SARE EE BJFS OO KULMAY.

Next
Next

GUDOONKA WAXBARASHADA G/BANADIR OO AMRAY IN CALANKA SOOMAALIYA LA SURO DUGSIYADA.