GUDIGA JOOGTADA EE AQALKA SARE EE BJFS OO KULMAY.
(SAWIRKA)-AQALKA SAREEE BJFS.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim uu maanta shir guddoomiyay kulanka Koowaad Kalfadhiga todobaad Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Ugu horayn kulanka ayaa lagu dhaariyay Sanatar Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) oo dhowaan Golaha Wakiillada Puntland ey u doorteen inuu ka mid noqdo Sanatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo uu dhaariyay Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle. Intaasi ka ka dib xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa ka dooday diyaarinta iyo jadwalaynta qorshe howleedka Golaha iyo Guddiyada Aqalka Sare ee Kalfadhiga todobaad, iyagoo soo jeediyay talooyin muhiim u ah dardar gelinta hannaanka shaqo ee waajib gudashada Guddiyada iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS. Guddoomiye Cali Shacbaan oo kulanka soo xiray ayaa kula dardaarmay xubnaha Guddiga Joogtada Aqalka Sare iney dardar geliyaan howlaha shaqo ee Guddiyada una diyaar garoobaan waajib ka gudashada shuruucda muhiimka u ah ee Golaha horyaala.
ISHA-SNTV.