BELED XAAWO OO LAGY DILAY NABADOON CAANKA KA AH DEGMADAAS.
(SAWIRKA)-AUN-NABADOON ADEN MAXAMUD BUURDHUUBO.
(B/XAAWO)-Wararka aan ka heleyno Demada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ee Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo, oo ka mid ahaa isimada dhaqanka ee Gobolka Gedo, ayaa xalay lagu dilay degmada Beled Xaawo ka dib markii koox hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ey rasaas ku fureen, sida ey xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ah. Goobjoogayaashu waxay sheegeen in kooxdii dilka geystay iney si deg deg ah uga baxsadeen goobta, iyadoo aan la ogeyn halka ey u baxsadeen. Ilaa iyo hadda, laamaha ammaanka degmada Beled Xaawo kama aysan hadlin dhacdadaan, mana jirto cid loo soo qabtay falkaasi amaba sheegatay. Guddoomiyaha degmada Beled Xaawo Md.Shire Cabdulle Keynaan ayaa ka Tacsiyeeyay Geerida Nabadoonka, isagoo sheegay in Aadan Maxamuud Buurdhuubo uu ahaa shaqsi muhiim ah oo door weyn ku lahaa Golaha Guurtida ee degmada. Waxa uuna yiri Gudoomiyaha “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii, salaadiinta dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Beled Xaawo. Nabadoonka wuxuu ahaa tiir muhiim ah oo bulshada dhexdeeda laga qadarin jiray. Allaha u naxariisto, qabrigiisana alle ha u waasiciyo”. Dilka Nabadoon Aadan Buurdhuubo ayaa kusoo aadaya iyadoo Gobolka Gedo ey todobaadyadii u dambeeyay ka jireen falal Amni-darro ah oo ey geysteen kooxo hubeysan, taasoo walaac ku abuurtay shacabka deegaanka. Nabadoonkan ayaa lagu xusuusan doonaa kaalintiisii nabadeynta iyo dhex-dhexaadinta bulshada.
XIGASHO-DALSAN RADIO.