MAANDOORIYE FARA BADAN OO MUQDISHO LAGU GUBAY.
(SAWIRKA)-XEERILAALINTA IYO BOOLISKA.
(MUQDISHO)-Wararka ka imaanaayo caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si rasmi ah ugu gubay magaalada Muqdisho Maandooriye/Daroogo halis ah oo lagu soo kala qabtay Dekedda iyo Garoonka Aadan Cadde, ka dib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ey amartay in la baabi’iyo. Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, oo shir Jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in la gubay 250 Kartoon oo Daroogo ah, kuwaasoo ey ciidamada ammaanku ku qabteen howlgal ey ka sameeyeen Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Aden Cadde. “Waxaan maanta gubnay daroogo aad u halis badan taasoo dalka lagu keenay si sharci darra ah, waxaana qabashadeeda ka qeyb qaatay hey’adaha ammaanka. Nuucaan daroogada ah waa mid sababi kara cuduro halis ah sida Kansarka. Waxaan uga digeynaa Ganacsatada Soomaaliyeed iney bulshada Soomaaliyeed eysan ku halligin Maandooriyah,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska G/Le,C/fataax. Dhankiisa, Cabdirashiid Ismaaciil Nuur, Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ahna Madaxa Waaxda La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Daawooyinka Khataraha ah, ayaa sheegay in habraacii sharciga ahaa ee maxkamaddu amartay lagu fuliyey gubitaanka. “Daroogadaan aan maanta gubnay waa ka khatar badan tahay kuwii hore la qabtay. Cidii soo dejisay waa la xiray, waxaana wajahayaan cadaaladda. Dhalinyarada Soomaaliyeed ayay si gaar ah u halis gelinaysay, sidaas darteed waa in bulshada laga badbaadiyaa,” ayuu yiri Xeer-ilaaliye Ku Xigeenka. Xeer-ilaalintu waxay uga digtay Ganacsatada iyo dadka ku lug leh ka Ganacsiga Maandooriyaha iyo badeecooyinka kale ee sharci darrada ah iney ka fogaadaan falalkaas, iyadoo lagu wargeliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo dambiyadaas. Xeer Ilaalintu ma eysan sheegin magacyadda iyo tirada dadka loo soo qabtay arrintaan halista ah,waxaane dhici karta in arrintaan lagau soo afjaro xaal masduur dembiileyaashiin aan cadaaladda la horkeenin.
XIGASHO-RADO RISAALA.