TALIYAHA CIIDAMADA MARAYKANKA EE AFRICOM OO SOO GAARAY MUQDISHO.
(SAWIRKA)-XARUNTA AUSSOM.
(MUQDISHO)-BREAKING NEWS: Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa Hawlgalka Nabada iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM Md.Amb.ElHadjiIbrahima Diene uu maanta Taliska Guud ee AUSSOM ee magaaladda Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Mareykanka kaasoo uu hoggaaminayay Taliyaha Guud ee Taliska Afrika ee Ciidamadda Maraykanka ee loo yaqaano AFRICOM Gen.Dagvin Anderson & Safiirka Mareykanka Richard Riley. Labada dhinac waxay ka wada hadleen taageerada AU iyo AFRICOM ey siiyaan Ciidanka Amniga Soomaaliyeed, hawlgallada ka dhanka ah AL-Shabaab & sare u qaadista iskaashiga si loo helo xasillooni waarta. Danjire Diene ayaa xusay doorka AUSSOM ey ku leedahay geeddi socodka nabadda oo ey Soomaaliya majaraha u hayso, halka Jeneraal Anderson uu ammaanay saameynta Hawlgalka uu ku leeyahay Xasilinta Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika. Waa booqashadii ugu horeysay ee Jeneraal Anderson uu ku marayo Gobolka Geeska Afrika tan iyo markii uu xilka qabtay. Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliye Ku Xigeenka Ciidanka, S/Gaas Peter Muteti & Taliyaha Booliska Hillary Sao Kanu iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare.
ISHA-AUSSOM.