DJ KARMEL OO KA BADBAADAY IN LA DILO SHALAY OO ISNIIN AHAYD.
(SAWIRKA)DJ KARMEL.
(MINNEAPOLIS)-Wararka ka imanaayo magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Wiilka dhallinyarada ah ee magaaladda Minneapolis iyo Gobolka Minnesota looga yaqaano DJ Karmel ayaa shalay duhurkii uu nin Soomaali ah ku weeraray banaanka Suuqa Karmel Mall,ka dibne dhaawac halis ah u geystay. Ninka dhaawaca halista ah u geystay ee sida ula kaca ah u weeraray DJ Karmel ayaa lagu magacaabaa Abdihakim Abdulle. Ninkan ayaa si gaadmo ah uu weeraray wiilka dhallinyarada ah, ka dibna si arxan daro ah Madaxa shamiitadda ugu garaacay DJ Karmel oo miyir la’a isaga tegay. Ninkan ayaa sidoo kale ceejiyay DJ Karmel iskuna dayey inuu neefta ku dhajiyo oo si ula kac ah u dilo DJ Karmel oo miyir la’a oo dhiig badan ka da’ayo. DJ Karmel ayaa Isbitaalka yaala isaga oo dhaawac halis ah uu soo gaaray. Booliiska magaaladda Minneapolis ayaa qabtay ninka weerarka gaadmada ah u geystay DJ Karmel, dhaawaca halista ahna gaarsiiyay. Eedeysanaha geystay weerar oo lagu magacaabo C/Xakiin Cabdulle ayaa ah 35-jir Soomaali ah,waxa uuna hadda ku jiraa Xabsiga,waxaane la soo xiray C/xakiin shalay oo Taariikhdu ahay 1/9/25-ka saacadu markeey ahayd 2:54:56-galabnimo,waxaane C/xakiin soo xiray Booliska magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minneasota ee dalka Maraykanka.
XIGASHO-TUSMO TIMES.