HAWLGAL QORSHEYSAN OO CAAWA LAGU DILAY HORJOOGE SARE OO AL-SHABAABA AH.

(SAWIRKA)-DIYAARADA DRONES-KA.

(H/SHABEELE)-Wararka laga helaayo caasiadda Gobolka Hiiraan ee B/weyne bartamaha Soomaaliya ayaa sheegayo in Ciidamadda sida gaarka u tababaran ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Saaxiibaxda Caalamiga ah ee dhanka hawadda ka taageerta Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa caawa Howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Show Caano ee hoos yimaadda degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan. Deegaanka howl-galka uu sida gaarka ah uga dhacay Caawa ee Show Caano, ayaa waxaa lagu beegsaday Horjooge sare oo ka tirsan kooxda AL-shabaab kaasoo lagu lagu magacaabo Xuseen Cabdullaahi Dalab loona garan og yahay “Caamir” iyo Ciidamo ka tirsan kooxda AL-shabaab kuwaaso ilaalo u ahaa. Sida ilo wareedyo sugan oo lagu kal-soonaan karo oo u waramay Warbaahinta HNA, ayaa sheegay in Horjooge sare Xuseen Cabdullaahi Dalab "Caamir" iyo xubno kale oo la socday lagu dilay weerarkaasi ey fuliyeen caawa Ciidamadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya ee NISA iyo saaxibadda caalamka. Horjooge, Xuseen Cabdullaahi Dalab (Caamir) oo ka soo jeeda degmada Buula-burte, ayaa kooxda AL-Shabaab u qaabilsan Madaxa Howl-geliyaha Guud taasoo ey kooxda AL-shabaab ugu yeerto Hay’adda Amniyaadka ee labadda Gobalka ee kala ah Shabeellaha Dhexe iyo Gobalka Hiiraan,ama Dawlad Goboleedka H/shabeele. Dhanka kale, deegaanka Show caano oo qiyaastii wax ka yar 25-Km dhanka galbeed kaga aadan degmadda Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan, ayaa waxaa kooxda AL-shabaab ugu yaal Xarun Maamul, mid Garsoor iyo Talis Ciidan oo ey leeyihiin kooxda ALshabaab, waane deegaanka afaraad ee kooxda AL-shabaab ka maamusho Gobalka Hiiraan marka laga yimaado deegaanadda kala ah Booco, Buq-aqable, Ceel Cali iyo Fiidow. Deegaanadda isa saaran ee kala ah Show Caano, Mukeyle, Jilacle, Ceel Ware, Ceel Cali iyo Buq-aqable, ayaa waxaa xarumo waa wayn oo isugu jira kuwa Maamul, kuwa Garsoor, kuwa Sirdoonka iyo kuwa Ciidanba ku leh kooxda AL-shabaab waxaana degan deegaanadaas Beel ka mid ah beelaha kasoo jeedo Gobolka Hiiraan.

XIGASHO-HNA.


Previous
Previous

UK OO HAKAD GELISAY MIDEYNTA QOYSASKA QAXOOTIGA.

Next
Next

DJ KARMEL OO KA BADBAADAY IN LA DILO SHALAY OO ISNIIN AHAYD.