UK OO HAKAD GELISAY MIDEYNTA QOYSASKA QAXOOTIGA.

(SAWIRKA)-XOGHAYAHA ARRIMAHA GUDAHA UK COOPER.

(UK)-Boqotooyada Ingiriiska(UK) ayaa ku dhawaaqday iney joojinayso qorshaha dib u midaynta Qoyska Qaxootiga, kaasoo u ogolaanaya Qaxootigii hore u joogay dalka iney codsadaan Qaraabadooda iney ku biiraan. Dawladdu waxay sheegtay in tani ey tahay mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ey ku doonayso iney ku xakamayso soogalootiga aan caadiga ahayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Britain Yvette Cooper ayaa sheegtay in ey si ku meel gaar ah u joojinayso codsiyada cusub ee dib u midaynta Qoyska iyadoo guud ahaan nidaamka socdaalka ee UK ey sabab u tahay isbedel iyo dib u habeyn. "Waxaan u baahanahay inaan wax ka qabano cadaadiska deg dega ah ee saaran maamulada maxalliga ah iyo khatarta kooxaha dambiilayaasha ah ee isticmaalaya isu imaatinka qoyska si ey u dhiirigeliyaan dad badan oo fuula doomaha khatarta ah," ayey u sheegtay baarlamaanka. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa soo saartay tirooyinkii ugu dambeeyay horaantii bishan, taasoo muujineysa xaqiiqda ah in ku dhawaad ​​21,000 oo fiisaha isu keenida Qoyska Qaxootiga la bixiyay lixdii bilood ee ugu horeysay 2025-ka. Inta badan ruqsadahaas waxaa la siiyay Haweenka iyo Caruurta. Cooper waxa uu intaa ku dartay in hakinta qorshahan ey ku soo beegantay iyadoo ey dawladdu isu diyaarinayso iney baarto barnaamijka, iyada oo ujeeddadeedu tahay iney baarto "Shuruudaha wax ku biirinta" ee xubnaha Qoyska ee rajeynaya iney dib ugu midoobaan UK. Waxay iftiimisay in "muddo dheer ka hor inta eysan Qaxootiga cusub ee la oggolaaday codsan karin." "Ilaa qaabka cusub laga soo saarayo, qaxootiga waxaa dabooli doona isla sharciyada socdaalka qoyska iyo xaaladaha dadka kale," Cooper ayaa ku dartay.

DHIBAATADA SOOGALOOTIGA EE SHAQAALAHA:

Boqortooyada Midowday (UK) waxay la halgamaysay sidii ey u joojin lahayd tirada dadka soogalootiga ah ee aan caadiga ahayn ee dalka ku yimaada doon yar, in kasta oo Xisbiga Shaqaalaha uu ballan qaaday doorashadii 2024-ka inuu si deg deg ah hoos ugu dhigi doono tirada dadka imanaya ka dib marka uu la wareego hoggaanka. Natiijooyin la'aantan ayaa inta badan keentay in kor loo qaado taageerada Xisbiga ka soo horjeeda soogalootiga ee Reform UK, oo uu hoggaamiyo ninka midigta adag ee Nigel Farage, oo hadda ku horeeya codbixinta. Si kastaba ha ahaatee, doorashooyinka guud ee soo socda lama filayo iney qabsoomaan illaa 2029-ka. In ka badan 111,000 oo qof ayaa magangelyo ka codsaday Boqortooyada Midowday (UK) sanadka ilaa Juun 2025, xogta Xafiiska Arrimaha Guaha ayaa muujinaysa. Tani waa tiradii ugu badneyd abid ee codsiyada tan iyo 2001, taas oo ah markii diiwaanada la bilaabay.

HESHIISKA UK IYO FRANCE AYAA DHAQAN GELEYA:

Saraakiisha Ingiriiska ayaa sidoo kale bilaabay in ey xir xiraan tiro dad ah oo doomo kasoo degay iyadoo la raacayo heshiis “HAL SOO GALA, HALNA BAXA” oo ey la saxiixdeen Faransiiska, sida uu dhigayo in UK ey dib ugu celin karto qaar ka mid ah Muhaajiriinta ku sugan Faransiiska, kuwaas oo ka yimid Jasiiradda Ingriiska, taas oo ey ku beddelanayaan iney aqbalaan tiro isku mid ah oo Muhaajiriin ah oo ku nool Faransiiska. Sida ku cad heshiiska, mudnaanta ayaa la siin doonaa dadka xiriirka la leh UK. "Waxaan filaynaa in soo laabashada ugu horeysa ey bilaabanto dabayaaqada bishan," Cooper ayaa u sheegay baarlamaanka.

XIGASHO-IM.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY…

Next
Next

HAWLGAL QORSHEYSAN OO CAAWA LAGU DILAY HORJOOGE SARE OO AL-SHABAABA AH.