MW-XASAN SHEEKH OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY…
(SAWIRKA)-KULANKII MADAXTOOYADA SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo Xarunta Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalya ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu maanta Madaxtooyada kaga guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo ee Safiirka cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya doona Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro iyo Safiirka cusub ee Boqortooyada Nederland ee Soomaaliya Danjire Henk Jan Bakker. Madaxweynaha ayaa safiirrada ugu hambalyeeyey in ey ka mid noqdeen Diblumaaaiyiinta ka howl-gala Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ey wadashaqeyn iyo soo dhawayn wanaagsan kala kulmayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya. Dhankooda, Danjireyaashan ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha JFS Dr.Xasan Sheekh Maxamud qaabilaadda uu u sameeyey, iyagoo soo bandhigay dadaalka ey ku bixinayaan xoojinta iskaashiga nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska. Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Cusub ee Ciidamadda Maraykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM Gen.Dagvin Anderso oo booqashadiisii ugu horeysay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho tan iyo markii loo magacabaay xilka AFRICM. Taliye Anderson ayaa xaqiijiyey in Dwaladda Maraykanka ey ka go’an tahay iney xoojiso Amaanka iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. Masuulkaan ayaa horay waxa uu ula soo kulmay Madaxda Hawlgalka Nabadda iyo Xasillinta Soomaaliya ee AUSSOM danjire Diene,waxa eyna ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka kooxaha Argagixisada ee ka hawlgala dalka Soomaaliya sida AL-shabaab iyo Daacish.
ISHA-SNTV.