URURKA JAAMICADDA CARABTA OO SOOMAALIYA KA CAFIYEY DEYN DHAN 75%.

(SAWIRKA)-DANJIRE CALI CABDI WAARE.

(CAIRO)-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaahira iyo Ururka Jaamicadda Carabta Danjire Cali Cabdi Waare ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqay in Golaha Sare ee Ururka Jaamicadda Carabta ey go’aansadeen in dalka Soomaaliya laga dhaafo/Cafiyo ku dhawaad 75% dhaqaalaha ku maqan,isagoo talaabadaas ku tilmaamay guul taariikhi ah oo dalkiisa u soo hoyatay,waxa uuna carab ku adkeeyey in dadaaladda Diblomaasiyadeed ee ey Hormuudka ka tahay Safaaradda ey ku timid fulinta awaamiirta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa ku soo beegantay xilli Danjire Cali Cabdi Waare uu ka qeybgalay Kalfadhiga 164-aad ee Golaha Sare ee heerka Ergada joogtada ah,isagoo khudbad ka jeediyey taaso uu ku amaanay dalalka Carabt sida ey u garab istaageen codsiga dalkiisa Soomaaliya ee ahaa in laga dhaafo/Cafiyo deymaha dhaqaale ee ku maqan Soomaaliya muddo dhan 38-sano,taaso ka dhalatay iney Soomaaliya iska bixin weysay dhaqaalihii ey ku lahaayeen Miisaaniyadda Ururka Jaamicadda Carabta. Sida ey qabaan dadka wax indha indheeya culeyska deynta lagu leeyahay dalka Soomaaliya ayaa ah caqabad weyn oo soo wajahday dhaqaalaha dalka Soomaaliya. Deymaha dibadda ee Soomaaliya ayaa isa soo tarayey ilaa sannadkii 1980-meeyadii,taaso taaso kor u dhaaftay shan bilyan oo doolar,taaso xadiday awoodii uu dalku ku heli lahaa maalgelin caalami ah. Si kastaba ha ahaatee,waxaa mahad iska leh barnaamijka dalalka deymaha sare ku leh wadamadda saboolka ah (HIPC) iyo iyadoo kaashaneysa Bangiga Adduunka(WB) iyo sanduuqa lacagta ee adduunka(IMF),Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay awooday sannadihii u dambeeyey in laga cafiyo deymo badan oo gaaraya in ka badan 90% wadarta deymaha dibadda. Xogta rasmiga ah ayaa sheegeysa in deymaha dibadda Soomaaliya looga leeyahay, ka dib cafisydaas ey hoos u dhacday wax ka yar lix boqol oo Milyan oo doolar,taaso u badan deyn laba geesood ah oo laga leeyahay dalal iyo hayaddo gaar ah. Taas macnaheeda waxa waaye in deyntu gebi ahaan eysan ahayn eber, balse ey hoos ugu dhacday heer aan horay loo arag oo taariikhda dalka ah,taaso albaabka u fureysa maalgashi cusub iyo maalgelin dhaqaalaha qaranku u baahan yahay ee dib u dhiska iyo horumarka. Iyadoo ey jiraan dadaaladaas, hadane Soomaaliya waxaa weli ka taagan caqabdo waa weyn,iyadoo 70% dadka ku nool Soomaaliya ey ku nool yihiin wax ka yar $1.90 maalintii, waxaane dalku wajahayaa dagaalo sokeeye oo tobanaan sano socday,iyo falaagadda AL-shabaab iyo masiibooyinka cimiladda. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa iney kor u qaado dakhliga gudaha si ey u taageerto Amniga iyo adeegyadaa,iyadoo miisaanyadda sannadka 2025-ka ey gaareyso 1.356 Bilyan oo doolar,in kastoo ey caqabado ku yihiin Xasilloonidda Siyaasadda iyo Amniga. Deynta Soomaaliya ee dibadda ayaa hoos ugu dhacday 64% GDP, sannadkii 2018 ilaa wax ka yar 6% dhammadkii 2023-kii.

XIGASHO-AJ.

Previous
Previous

SHIL KA DHACAY BURTAQIISKA OO EY KU DHINTEEN 15-QOF.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO WARAAQIHII AQOONSIGA KA GUDOOMAY…