(USA)-WAX KA YAR 2-DAQIIQO OO LAGU DHACAY 2-MILYAN OO DOOLAR.

(SAWIRKA)-DUKAANKA DAHABKA.

(USA)-Koox tuuga ah ayaa Malaayiin Doollar oo baayacmushtar ah ka xaday Dukaan Dahabka lagu iibiyo oo ey iska leeyihiin Qoys, iyagoo loo geystay dhac maalin dharaar cad ah, dhaca ayaa ka dhacay Seattle, tuugta ayey u suurtagashay iney 90 ilbiriqsi oo keliya ey ku dhacaan lacag dhan 2-Milyan oo Doolar, sida ey booliisku sheegeen, Waaxda Booliska Seattle ayaa sheegtay iney ka jawaabtay wararka sheegaya tuugo ka dhacday Menashe and Sons Jeweler ee Galbeedka Seattle duhurnimadii 14-kii Agoosto. Afar tuhmane oo wejiga soo duubtay ayaa la sheegay iney isticmaaleen dubbayaal si ey u jebiyaan albaabka hore ee muraayadda oo qufulan, ka dibna ey burburiyeen lix sanduuq oo bandhig ah, sida uu sheegay booliisku. Dhacdadan ayaa waxaa qabtay Kamaradaha ilaalada ahee ku xiran gudaha dukaanka, sida ey sheegtay KIRO oo xiriir la leh Tv-ga CBS. Booliska ayaa sheegay in tuhmanayaasha ey ku hubaysnaayeen Taser iyo bear Spray. Hubka ayaa lagu tilmaamay inuu yahay loo isticmaalo shaqaalaha dukaamada inta uu socday dhaca,wax dhaawac ahne lama soo sheegin.  Bret Gibson, oo ka mid ah shaqaalaha goob Jimicsi oo ka soo horjeeda dukaanka la dhacay, ayaa KIRO oo wariye ah u sheegay in dhaca laga maqlayay gudaha goobtiisa shaqada. "Waxaad weli maqli kartay sida muraayado badan oo jabaya oo gariiraya iyo alaab, sidaas darteed waxay ku sugnaayeen duhurnimadii iyagoo weli dhacaya dukaanka iyadoo qof kastaa uu taleefoonka wacay booliiska," Gibson ayaa u sheegay wariye KIRO. Dhaca deg dega ah ka dib, tuhmanayaashu waxay ku carareen baabuur meesha ka baxsan, sida ey booliisku sheegeen. Baaritaan lagu sameeyay deegaankaas ayaan wax natiijo ah kasoo bixin. Qof kasta oo haya macluumaadka ku saabsan dhaca waxaa la weydiisanayaa inuu la xiriiro Waaxda Booliska Seattle ee khadka Taleefanka Dambiyada Rabshadaha. Josh Menashe oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka Dukaanka ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Associated Press in bakhaarkan uu " xirnaan doono muddo." Waxa uuna raaciyey "Si fiican ayaanu u naxnay shaqaale ahaan," ayuu yiri. Menashe ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Associated Press in shaqaaluhu ey dhacdadan ey ku qasabtay iney nadiifiyaan muraayadihii burburay,waxa eyna ku hawlanaayeen soo diyaarinta tira koobka alaabada la xaday. Hal Sanduuq oo quraarad ah ayaa waxaa ku jiray dahab uu qiimihiisu yahay inta u dhaxaysa $700,000 iyo $800,000, eyna ka mid yihiin Saacadaha Qurxoon ee Rolex, halka mid kalena uu haysto silsilad sumurud ah oo qiimaheedu dhan yahay $125,000, booliska Seattle ayaa yiri. Sanduuqa silsiladdu waxa kale oo uu haystay dheeman platinum ah. Laba Sanduuq oo kale oo bandhig ah "waxaa ku jiray xaddi badan oo dahab ah." 

ISHA-CBS.



Previous
Previous

SEN.CRUZ OO U JAWAABAY SAFAARADDA SHIINAHA EE SOOMAALIYA.

Next
Next

HOOYO SOOMAALIYEED OO KU WEYSAY ODAYGEEDII IYO WIIL EY DHASHAY BIYAHA TALYAANIGA.