SEN.CRUZ OO U JAWAABAY SAFAARADDA SHIINAHA EE SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)SEN.CRUZ.

(USA)-Senator Ted Cruz, oo ka jawaabay carada Shiinuhu kaga falceliyey waraaqdii uu u diray Trump ee uu kaga codsaday inuu Somaliland Aqoonsado, ayaa sheegay in carada Shiinuhu ey tahay sabab muhiim ah oo Trump ku Aqoonsado Somaliland. Senatorka oo ka hadlay Qoraalka ey saaka baahisay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in carada Shiinuhu kaga jawaabay arrinta Aqoonsiga Somaliland ey tahay sabab kale oo Washington ku dhiirrigelinaysa Aqoonsiga Somaliland. "Xaqiiqda ayaa ah in Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinuhu sidan uga caroodo, waa sabab kale oo ey tahay in Trump Aqoonsado Somaliland," ayuu yiri Senator Cruz oo si toos ah uga Jawaabay Qoraalka Shiinuhu ku diiday Aqoonsiga Somaliland. Dowladda Shiinaha ayaa codsiga uu Cruz u diray Trump ku tilmaantay mid xadgudub ku ah Madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana farogelin ku ah arrimaha gudaha dalka Soomaaliya. Shiinuhu wuxuu kasoo horjeedaa in Taiwan iyo Somaliland noqdaan dalal caalami ahaan la aqoonsan yahay. Cruz, oo ah Madaxa Guddi-hoosaadka Arrimaha Afrika u qaabilsan Golaha Senatka Maraykanka, ayaa toddobaadkan si weyn u soo jiitay Warbaahinta caalamka ka dib markii uu qoraal rasmi ah u diray Madaxweyne Trump, kuna codsaday in Somaliland loo Aqoonsado waddan Madax-bannaan. Senatorka ayaa sidoo kale u ololeeya qadiyadaha Taiwan iyo Israa’iil, isaga oo sheegay in Somaliland cadaadis kala kulmayso Shiinaha sababtoo ah xiriirka ey la leedahay Taiwan, isla markaana ey u baahan tahay taageero iyo in cadowgeeda laga celiyo. Sida Shiinaha oo kale, dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda kasoo horjeesatay codsiga Cruz, waxayna sheegtay in Aqoonsiga Somaliland uu horseedi karo in kooxaha Argagixisada ahi helaan marmarsiyo ey ku qortaan dhallinyaro dheeraad ah oo ey ku qaadaan dagaallo cusub. Somaliland oo ka jawaabtay hadalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ey kooxaha Argagixisada ah u adeegsato cadaadis diblumaasiyadeed, isla markaana markasta oo Maraykanka iyo Itoobiya isku dayaan iney xiriir la sameeyaan Somaliland ey ku marmarsiyooto "AL-Shabaab ayaa la kicinayaa." Aqoonsiga Somaliland ayaa hadda taageero xoog leh ka helaya gudaha Maraykanka, waxaana la filayaa in dhawaan Madaxweyne Cirro safar ku tago Washington si uu u dardargeliyo dadaallada Aqoonsi raadinta.

XIGASHO-HOL.

Next
Next

(USA)-WAX KA YAR 2-DAQIIQO OO LAGU DHACAY 2-MILYAN OO DOOLAR.