HOOYO SOOMAALIYEED OO KU WEYSAY ODAYGEEDII IYO WIIL EY DHASHAY BIYAHA TALYAANIGA.

(SAWIRKA)-DADKII KA SOO BADABAADAY LABADII DOON EE DEGAY.

(ITALY)-Waa ey xanuun badan tahay inaan maqalno Hooyo Soomaaliyeed oo leh"Wiilkayga yar waxa uu ku jiray gacmahayga, ninkaygiina wuu inagu xigay. Markaas dhammaan cadaabta ayaa inoo bilaabatay, waxaan ku dhex waayay hirarka dhexdooda," ayey tiri haweeney Soomaali ah oo ka mid ah 60-ka qof ee ka badbaaday laba Doon oo ku burburay xeebta Lampedusa. Dadkii ka badbaaday dooni labaad ee degtay taasoo ku degtay meel 14 mayl koonfur ka xigta Lampedusa ayaa sheekadooda u sheegay inta u dhexaysa ilmeyntoodii. Dadkaas waxaa ka mid ah gabar Soomaaliyeed oo wiilkeeda iyo ninkeedii iyo odaygedii ey horteeda ku dhinteen. "Wiilkayga oo sanad iyo bar jir ah ayaan gacmahayga ku hayay ninkeygana wuu inagu xigay, markaasaa cadaabta oo dhami way iga go'day, labada mowjadood ayaan ku dhex waayay," ayay tiri haweeneydii oo Ooynaysa. Lixdan qof oo tahriibayaal ah ayaa badbaaday markii labadii Doo ee ugu horreeyay ey bilaabeen iney ka daataan, kuwii saarnaana ey u suurtagashay ama ugu yaraan qayb ahaan iney u gudbaan mid kale oo aan ka fogayn. Doontii labaad ayaa markaas la qalibantay culeyska dartiis. Qaar ka mid ah rakaabka ayaa isku dayay iney xajiyaan qaybo ka mid ah doonta degtay halka qaar kalena ey ku dhex dhumeen hirarka. Mar ey wada hadal la yeesheen dhaqaatiir Soomaaliyeed oo ku takhasusay cilmi Nafsiga iyo Ciidamada amaanka ayey Maamadu sheegtay in gabar kale oo Soomaali ah iney weyday walaasheed ka yar, halka nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Masar uu sheegay inuu waayay adeerkiis iyo wiil uu adeer u ahaa oo la socday doonida. "Waxaan la baxnay labo doonyood. Mid ayaa gadoontay, sidaas ayaana dhammaanteen ku raacnay kan kale.Mida kale, si kastaba ha ahaatee, ayaa sidoo kale bilaabay iney biyo soo galaan gudaheeda," mid ka mid ah dadka badbaaday ayaa u sheegay mutadawiciin ka socday Mediterranean Hope oo caawiyay markii ey soo degeen. "Waxaan sidoo kale waayay saaxiibkeygii qaaliga ahaa," ayuu yiri nin kale oo dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Masar. "Dhammaanteen waxaan ku dhammaanay biyaha."

“QAAR BAA CAGAHAYGA KU JILBA JOOGSADY”.

“Qaar ka mid ah markii ey dhulka soo gaareenba, waxay ku jilba joogsadeen horteenna, si ey Alle ugu mahad naqaan iney si nabad ah ku yimaadeen, ka dib markii ey ka soo tallaabeen Liibiya,” ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha Laanqeyrta Cas. "Markii aan u siinay biyo ey cabaan,waxay noo eegayeen sidii inaan siinnay Hadiyad aad u weyn," sidaas waxa ayiri shaqaalaha Laanqeerta Cas..

“Mid dhalinyaro ah ayaa waxaa isku duubay/Hab siiyey dadkii safarka la soo galay, wuxuuna sheegay inuu waayay walaalkiis, waane wiil aad u yar, mid kale oo Masri ah ayaa sheegay inuu waayay saddex wiil oo ey ilmo adeer ahaayeen. "Saaka, markii aan ogaanay burburka Doonta, waxaan diyaar u ahayn inaan diyaarino caano iyo xirmooyinka caruurta, laakiin waligood ma aysan imaan," shaqaalaha ayaa hadalkiisa ku daray. Sida laga soo xigtay qaar ka mid ah dadkii ka badbaaday doonidii ugu horeysay, waxaa saarnaa 45-tahriibayaal ah, tan labaad, qaar waxay sheegeen iney ahaayeen 46-tahriibayaal ah,qaar kalena waxay sheegeen 52-tahriibayaal ah. Doonyaha ayaa la sheegay iney ka soo ambabaxeen Zawiya oo ey ka sii gudbeen badda dalka Liibiya sabab aan la garanayn oo dhinaca Xukuumadda maamusho degaankaas ah. Muddo saacad ku dhow ama safar ah ka dib, doontii ey la socdeen 45 qof oo tahriibayaal ah ayaa bilaawday iney quusto biyaha, tahriibayaashuna waxay u dhaqaaqeen dhinaca kale. "Waan soo dhawaynay kuwii badbaaday, iyagoo ka daalay safarka iyo wixii dhacay, laakiin xaaladdoodu way wanaagsanayd, kooxdeennu ayaa mas'uul ka ah iyaga oo daryeelaya iyaga iyo baahiyahooda," ayay tiri Ku Xigeenka Agaasimaha Goobta kulul ee Lampedusa Cristina Palma.

ISHA-IM

Previous
Previous

(USA)-WAX KA YAR 2-DAQIIQO OO LAGU DHACAY 2-MILYAN OO DOOLAR.

Next
Next

SOOMAALI,MASAARI IYO BANGAALADEESHA KU LE’EDAY BADDA MIDEATEREENIYAANKA.