SOOMAALI,MASAARI IYO BANGAALADEESHA KU LE’EDAY BADDA MIDEATEREENIYAANKA.
(SAWIRKA)-DOONI SIDA DAD LA SO BADBADIYEY.
(ITALY)-Shalay ayey ahayd markii aan idinla wadaagnay laba doomood oo degay badda dalka Talyaaniga kuwaaso siday Muhaajiriin laga talaabiyey badda Mideatreeniyaanka,hadaba maxaa cusub oo soo kordhay? 156 qof oo tahriibayaal ah ayaa Khamiistii ka degay jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga ka dib markii laba markab ey ku qaraqmeen Jasiiraddaasi maalin ka hor. Tahriibayaasha ayaa la socday Saddex Doomood oo ey badbaadiyeen Ciidamada Ilaalada Xeebaha xilli habeen ah. Dhammaantood waxay ka soo Ambabaxeen dalka Liibiya. 156 qof oo tahriibayaal ah ayaa Doomihii siday waxa ey Khamiistii (August 14) ka degeen Jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga ka dib markii ey laba jeer ku degeen maalintii hore ee Jasiiradda. Sadexda doonyood oo ey la socdeen ayaa waxaa xalay soo badbaadiyay Ciidamada Ilaalada Xeebaha. Doonidii ugu horeysay ee la badbaadiyay ayaa waxaa saarnaa 62 qof oo u kala dhashay dalalka Bangaladesh iyo Masar, kuwaasi oo sheegay iney ka soo ambabaxeen magaalada AL-khumus ee dhacda Bariga dalka Libya. Laba ka mid ah ayaa la geeyey rug caafimaad,waxaane ka mid ah waxaa uu qabaa Cudurka Miir Beelka(Lipothymia) midna Cudurka ku dhaco Jirka ee ah inuu Jirku Lumiyo Kuleylka(Hypothermia), sida ey sheegeen maamulka deegaanka. Doonta labaad waxaa saarnaa 23 qof oo ey ku jiraan lix dumar ah oo ka soo kala jeeda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Maali. Dadkaas waxaa ka mid ahaa 13 xaaladood oo ah Cudura Isnidaamiska, hal dhaawac oo la soo Garaacay, iyo mid qaba dhaawac isha ah. Waxay sidoo kale ka soo ambabaxeen Sabraata ee dhacda Galbeedka dalkaLiibiya. Doonta saddexaad ayaa waxaa saarnaa 71-qof oo u kala dhashay dalalka Bangladesh iyo Masar, iyadoo 21 xaaladood oo Isnidaamis ah, 2 tahriibayaal ah oo qaba Cudurka NEEFTA, iyo mid looga shakisan yahay inuu cagta ka jabay. Waxay sidoo kale ka soo ambabaxeen Khumus ee dhacda Bariga dalka Liibiya.
RAADINTA DADKA MAQAN AYAA DIB U BILAABATAY KA DIB MARKII ARBACADII EY LABALAABANTAY TIRADA DOOMAHA QALIBMAY:
Baadigoobka kuwa wali la la’yahay laba markab oo ku qaraqmay meel 14 mayl u jirta Lampedusa ayaa dib u bilowday khamiistii subaxnimadii. Wadarta 23 mayd ayaa ku jiray qolka maydka ee ugu weyn Jasiiradaha Pelagie subaxnimadii Khamiista. Si kastaba ha ahaatee, tirada dhimashada ee la xaqiijiyay sida ay sheegeen ciidamada ammaanka Arbacadii waxay noqotay ilaa 27-Qofood. Dadka geeriyooday waxaa ka mid ahaa ilmo dheddig oo saddex jir ah iyo saddex dhallinyaro ah. Dad lagu qiyaasay 20 ilaa 40 qof ayaa wali la la’yahay, sida lagu sheegay xisaabaadka lagu sameeyay dadkii ka badbaaday shilka, kuwaasoo sheegay in labada Doon ee degtay ey tiro ahaan ahaayeen inta u dhaxaysa 90 ilaa 100 qof. 60 qof oo badbaaday ayaa la geeyey goobta kulul ee Lampedusa.m "58 ka mid ah dadkii badbaaday ee shalay la geeyey goobta kulul, 21 ka mid ah waa Caruur aan Qaan-gaarin, habeen bay degenaayeen, xaaladdooduna way wanaagsan tahay, laba ka mid ah lixdankii qofna way wanaagsan yihiin," ayuu yiri Imad Dalil, oo ah maamulaha Xarumaha Khamiistii, "waxaa qaaday diyaarad Helikobter ah oo la aaday Cisbitaal Sicilian ah."
BADBAADAYAASHU WAXAY KA SHEEKEEYEEN DHIBAATADII DHACDAY LAAKIN WAXA DHABTA AH EE DHACAY MA CADDA:
Shaqaalaha Laanqayrta Cas ayaa bilaabay iney la hadlaan dadkii ka badbaaday goobtaas, iyaga oo u kala qaybsamay afafka. Marka hore waxaa lala hadlay dadka u dhashay Pakistan, ka dibna Masar iyo Suudaani iyo ka dib Soomaali. Xisaabaadkooda ayaa gacan ka geysan doona dib u dhiska wixii dhacay si faahfaahsan ka hor iyo intii lagu jiray burburka labada Doon, waxayna ka caawin doonaan Ciidamada Ammaanka iney soo ururiyaan magacyada dhibanayaasha iyo kuwa maqan. Xafiiska dacwad oogaha Agrigento ayaa furay baaritaan dayacaad ah oo ku burburay Doonta, laakiin waxa dhabta ah ee dhacay wali ma cadda. Waxa la og yahay, in Arbacadii, goor duhurnimo ah, in mid ka mid ah labada doonyood ee qayb ahaan degtay ey aragtay Helikobter ka tirsan Booliska Maaliyadda Talyaaniga, digniinta ayaa la diray goobtaas. Laga soo bilaabo Lampedusa, doonyo roondo ah oo ka socda Ilaalada Xeebaha, Booliska Maaliyadda iyo Frontex ayaa laga soo diray. Labada Doon, sida laga soo xigtay xisaabaadka qaar ka mid ah dadkii badbaaday, waxay ka ambabaxeen fiidnimadii Talaadada ee Liibiya degmada Zawiya, ka dibna sababo aan caddayn waxay uga sii gudbeen Tripoli. Labadii Doon mid ka mid ah ayaa intii ey safarka ku jireen waxa ey bilaawday in biyo soo galaan,ka dibna uu ey gadoonto. Qaar ka mid ah tahriibayaasha ayaa waxaa u suuragashay iney fuulaan doonida kale, taasoo markii horeba buux dhaaftay, balse qaar badan ayaa la sheegay iney ku dhaceen biyaha. Wax yar ka dib, doontii labaad ayaa sidoo kale gadoontay ka dib markii dadkii ey bateen. Meydkii ugu horeeyay ayaa laga soo saaray badda isla markii la helay. Arbacadii, shaqaalaha samatabbixintu waxay ku guuleysteen iney soo helaan kuwa kale, oo ey ku jiraan laba meyd kuwaaso weli ku dhex jira Doomihii burburtay.
ISHA-IM.