UK OO DANJIRE CUSUB OO SOO DIRTAY SOOMAALIYA.

(SAWIRKA)-DANJIRE CHARLES NICHOLAS KING.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Boqortooyadda Ingiriiska(UK) ey ku dhawaaqday in Danjire Charles Nicholas King loo magacaabay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Md.King oo ah diblomaasi khibrad badan u leh Arrimaha Bariga dhexe iyo Waqooyiga Afrika waxa uu xilka la wareegayaa dhammaadka bishan shanaad ee Meey-2025-ka,waxaane la soo magacaabay bishii Feberaayo ee isla sannadkan 2025-ka, Danjire King ayaa bedeli doono Md.Micheal Nithavrianaksi MOV. Iyadoo King uu xirfad ku qaatay Arrimaha Dibadda leeyahayne khibrad ka badan labaatan sano uu la shaqeynaayey Xafiiska Arrimaha Dibadda,Barwaaqa Sooranka iyo Horumarinta(FCDO), Md.King ayaa laga filayaa inuu la yimaado waaya aragnimo baaxad leh kuna saabsan Xallinta Khilaafaadka, Diblomaasiyadda Gobolka Geeska Afrika iyo Istaraatiijiyad Siyaasadeed. Shaqadiisa ugu dambeysay ayaa ahayd Madaxa Wadajirka ee dhulka ey Israa’iil heysato ee Gaza,halkaas uu door muhiim ka ciyaaray wax ka qabashada mid ka mid ah Arrimaha Juqaraafiyadeed ee ugu daran Bariga Dhexe. Intaas ka hor, Danjire King waxa uu soo noqday ergayga gaarka ah ee UK u qaabilsan dalka Suriya iyo Madaxa Waaxda Levant ee Waqooyiga Qaaradda Afrika, Danjire King ayaa hormuud u ahaa dadaaladda lagu horumarinaayo danaha UK ee Gobolka. Xirfadda Diblomaasiyadeed ee Danjire King waxaa kaloo ka mid ah inuu ka soo hawlgalay”PARIS, ISTANBUL, BAQDAAD IYO DIMISHIQ” iyo tababar dhinaca Luqadda Carabiga ah uu ku soo qaatay caasimadda Masar ee Qaahira. Fahamka qotada dheer ee uu u leeyahay Gobolka iyo ku hadalka Luqadda Carabiga waxay noqon doontaa mid aad u qiima badan oo laga dareemi doono doorkiisa cusub. Hadal uu jeediyey Danjire King ayuu ku muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay xilkan loo magacaabay,isagoo yiri”Waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo Dawladda Soomaaliya, Saaxibadda Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed si aan u taageerno Nabadda Xasiloonida iyo Horumarka Waara”. Doorkiisa cusub ee Danjire King waxa uu noqon doonaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee UK ey la leedahay Soomaaliya,taageeridda dadaaladda lagu horumarinaayo Xasiloonidda,Amniga iyo Hrumarka Gobolka. Boqortooyada Ingiriiska(UK) waa saaxib muhiim u ah dib u dhiska dalka Soomaaliya ,waxa eyna door hogaamineed ka qaadatay dadaaladda caalamiga ah ee lagula dagaalamaayo Argagixisada iyo burcad badeeda iyo sidoo kale taageeradda bani’adanimada. Taariikhda shaqo ee Danjire Charles Nicholas King ayaa ah sidan:

(1)-2017 ilaa 2020-kii, La taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Istaraatiijiyadda ee Safaaradda Ingiriiska ee Faransiiska (Paris).

(2)-2015 ilaa 2016-kii, Madaxa shaqaalaha ee Jonathan Powell, Wakiilka Gaarka ah ee Reysal Wasaaraha ee dalka Liibiya.

(3)-2012 ilaa 2015-kii, Madaxa Xafiika UK ee Suriya ee Istanbul.

(4)-2010 ilaa 2012-kii, Madaxa dib u heshiisiinta Afgaanistaan iyo kooxda Gobolka.

(5)-2009 ilaa 2010-kii, Ku-Xigeenka Madaxa Qeybta Siyaasadda ee Safaaradda Ingiriiska ee caasimadda Ciraaq ee Baqdaad.

(6)-2008 ilaa 2009-kii, Xoghayaha labaad ee Arrimaha Siyaasadda/dhaqaalaha ee Safaaradda Ingiriiska ee caasimadda Suriya ee Dimishiq.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

RW-XAMSA OO KA QEYBGALAY XAFLADDA DHALLINYARADA TUTKIGA.

Next
Next

GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO MAANTA SHIRAY.